Xarunta Horumarinta iyo Cilmi-baarista Puntland (PDRC) oo fadhigeedu uu yahay magaalada Garowe ayaa 22/10/2020 waxa ay martigalinaysaa aqoon-wadaag xiiso badan oo ku saabsan Haddimadii Burburka iyo Hayaanka Hiilka Afka Hooyo.

Aqoon-wadaagaas oo si qurux badan loo agaasimayo ayaa marti waxaa ku ah oo lagu casuumay khabiiro ku taqasusay afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, kuwaasi oo kala ah: Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax, Qoraa sare Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiye-Goboleedka AGA iyo Abwaan Yuusuf Shaacir, waxaana xiriin doono Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ee Dawladda Federaalka Cabdi Faarax Saciid Juxaa.

Aqoon-wadaagan oo noqonayo madashii 15-aad oo ay qabato PDRC ayaa si faah-faahsan waxaa loogu gorfeyn doonaa saameynta burburkii Dawladnimada iyo horumarinta afka Soomaaliga iyo qoddobo kale oo arimahaas la xiriira.

Aqoonyahanno badan oo daneeya arimaha afka, dhaqanka iyo hal-abuurka ayaa soo dhaweeyay qabashada aqoon-wadaagaas, waxayna tilmaameen inay wax badan ka korarsan doonaan haddii uu Alle idmo.