Nagu saabsan

AKADEEMIYE-GOBOLEEDKA AF-SOOMAALIGA:

TILMAAN IYO TAARIIKH KOOBAN

Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) waa xarun aqooneed loo abuuray daryeelka iyo horumarinta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed. Waa madal ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika ee Soomaalidu degto, AfSoomaaligana lagaga hadlo.

Waa madal ay si madax bannaan u maamulaan gole ka kooban aqoonyahanno loo xulay ku xeeldheeridooda dhinacyada kala duwan ee AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, kuna shaqeeya naf-hur ay ummadda si mutadawacnimo ah heegan ugu yihiin hiilka iyo horumarinta AfSoomaaliga, oo ah hantida ugu qiime badan ee ay leedahay ummad-weynta Soomaaliyeed.

Halkudhegga AGA waa “Hadafkayagu waa hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa”. AGA waxaa lagu asaasay magaalada Jabuuti bishii Juun 2013. Aasaaskeeda waxaa keenay baraarug lagu baraarugay halis weyn oo ku soo fool yeelatay AfSoomaaliga oo ah astaanta jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo haybta Soomaalinnimo, Dhan kalena waa furaha aqoonta aayatiinka u leh ubadka Soomaaliyeed.

Halista afkan ku soo fool yeelatay xooggeedu wuxuu ka dhashay burburkii Soomaaliya, Soomaaliya oo ahayd waddankii lagu rasmiyeeyey, laguna hirgaliyey qoraalka AfSoomaaliga, ahaydna waddanka keliya ee uu AfSoomaaligu u ahaa afka rasmiga ah ee qaranka, afka loo adeegsado waxbarashada, maamulka, iyo dhinacyada kale ee adeegga bulshada, dhinacyadaas oo ah rukunnada aan la’aantood afku waari karayn.

Halistan waxaa sii xoojiyay burburkii xarumihii adeegsiga iyo horumarinta afkan; qaxii baaxadda weynaa iyo afaf kale oo qaatay qaar ka mid ah kaalimihii uu AfSoomaaligu ku lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya. Taas ayaa keentay qayladhaan badbaado oo sannado soo socotay, inta badan Jabuuti xarun u ahayd, oo Madaxweyneheeda, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, hiil weyn ka geystey, Naadiga PEN ee qalinleyda Soomaaliyeedna kaalin hormuudnimo ka galay.

Intaas oo isu tegay ayay ka dhalatay AGA. Xog intaas aad uga faahfaahsan, oo ku saabsan Akadeemidani waxa ay tahay, waxa ay u taagan tahay iyo waxa ay qabato, waxaad ka heli kartaa dagalka Akadeemiyada (www.aga.so) iyo baraheeda bulshada oo iyana ku sii lifaaqan.

 “U HIILLI AFKAAGA HOOYO”.

Himilada AGA

(vision)

Af Soomaaliga oo halista ka badbaada,  adeegsigiisa la xoojiyo lana saxo,  laga dhigto nabad-side walaaleeya Soomaalida  iyo idil ahaanba ummadaha Geeska Afrika.

Hawlgalka AGA

(Mission)

Ilaalinta afka hooyo, iba-furka hal-abuurkiisa  iyo turxaan-bixinta adeegsigiisa, qoraal iyo qawlba;  iyo inuu Af-Soomaaligu noqdo afka rasmiga ah  ee maamulka iyo waxbarashada geyiga Soomaalida.

Hadafka AGA

(Main Objectives)

  • -In la helo xarun fududaysa darsidda ilaalinta iyo horumarinta afka soomaaliga iyo suugaantiisa.
  • In la ururiyo, lana xafido, lana faafiyo sooyaalka hodonka ah ee afka Soomaaliga ku kaydsamayay qarniyada badan, sida dhaxalka taariikheed, suugaaneed, aqooneed, ee aan qorneyn iyo qoraallada kala daadsan.
  • In la helo madal-cilmiyeed rasmi ah oo looga tilmaan-qaato af Soomaaliga toosan, si looga baxo jahwareerka iyo qaladaadka faraha badan ee hadda ka jira adeegsiga afkaan.
  • In cidda ay khuseysa lagu boorriyo, gacanna lagu siiyo in ay si buuxda af Soomaaliga uga dhigtaan afka rasmiga ah ee waxbarashada iyo maamulka gayiga soomaalida
  • In la dhiirrigaliyo lana hawlgaliyo cilmi baarista ee dhinacyada kala duwan ee afka iyo suugaanta Soomaalida.