DHAXAL WEYN IYO DHIGAAL WACAN

(Milicsi Ku Saabsan Buugga Haldoor)
Dhiganaha, “Haldoor: Taariikh-nololeeddii iyo Dhaxal-cilmiyeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali (1936 – 2014)”, waxa wada qoray Mustafe Cabdillaahi Fayruus iyo Cabdiqaadir Nuur Xuseen “Maax”, waxaana faafiyay Akaademiye-Goboleedka Af Soomaaliga. Marka aad sida jaldiga buugga loo naqshadeeyay eegto, markaaba waxaad garanaysaa in uu buug aqooneed yahay, ee aanu ahayn dhigane sheeko ama mawduuc kale laga qoray. Sawirka Shariif Saalax iyo magaca buugga marka aad si gaar ah ugu sii fiirsatana waxaad ogaanaysaa in uu buuggu sido taariikhda iyo waxqabadka haldoor Soomaali ah oo ummaddiisa in badan u shaqeeyay, dhaxal aad u weynna uga tegey.
Warqadaha buugga lagu daabacay waa caddaan, fartuna way ku soo dhowaynaysaa, oo intii loo baahnaa kama yaryara kamana waaweyna. Waa 210 bog, wuxuuna ka kooban yahay saddex qaybood. Qaybta koowaadi waa taariikh-nololeeddii iyo waxqabadkii Shariif Saalax, waxayna ka kooban tahay 6 cutub. Qaybta labaadi waa khudbado iyo qoraallo uu Shariif Saalax diyaariyay, waxay iyaduna ka kooban tahay saddex xidhmo. Qaybta saddexaad ee u dambaysaana waa sawirro xul ah oo sooyaalkii taariikheed ee Shariif Saalax in door ah inaga fahamsiinaya. Waxa u dambeeya ilihii buugga laga tixraacay.
Waa buug si wacan isku haysta, oo ay qaybihiisu si fiican u xidhiidhsanyihiin. Waa dhigane aan lahayn gefafka inta badan buugaagta Soomaalida lagu arko ee xagga higgaadda la xidhiidha. Waa buug ku qoran af Soomaali qurux badan, oo qofka afka jecel soo jiidanaya. Buuggaas ayaan akhriyay, aqoonta aan Mustafe u leeyahay iyo in aan ogahay takhasuskiisa ayaa sababay in aan buugga daneeyo, si fiicanna u dhuuxo. Macluumaad aad u badan oo faa’iido leh ayaa ku jira. Lama soo koobi karo, hase yeeshee haddii aynu wax ka soo qaadanno, sidan baynu u dhigi karnaa:
Shariif Saalax, Alle ha u naxariistee, macallin buu ahaa, maamule ayuu ahaa, danjire 13 sano oo safiirnimo ah soo maray ayuu ahaa, siyaasi buu ahaa, aqoonyahan buu ahaa, qoraa buu ahaa, cilmibaadhuu ahaa, af Soomaaliga hawlihiisa iyo horumarintiisana aad buu ugu dedaali jiray. Guddigii af Soomaaliga ee 1971kii la magacaabay ayuu ka tirsanaa, intii 1971kii iyo 1973kii u dhexaysayna guddoomiye ayuu u ahaa. Ninkaa ballaadhan ee dedaalka badan ayuu Shariif Saalax ahaa.
Sida buugga ku qoran wuxuu ahaa reer Bakool, gaar ahaanna reer Xuddur. Xuddur ayuu 1939kii ku dhashay. Iyada ayuu Quraanka iyo aqoon badan oo diini ahba ku bartay, kaddibna waxa uu degey Muqdisho oo uu waxbarasho kale ka bilaabay. Intaa kaddib, kuliyadda culuunta siyaasadda ee jaamacadda Universita Degli Studi di Roma “La Sepienza” oo Rooma ku taalla ayuu 1962kii ka qalinjabiyay. (Bogga 35).
Arrimaha cajiibka ah ee aan buugga ku arkay waxa ka mid ah in uu Shariifku isaga oo da’ yar afafka Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga bartay. Waxa kale oo ka mid ah ardaydii dugsiga Xuddur sannad-dugsiyeedkii 1945 – 46 ay wada dhigan jireen in uu magacyadoodii oo dhammaystiran wada hayay. Ardaydaa tiradoodu 22 bay ahayd, waxayna magacyadoodu ku qoran yihiin bogga 39aad ee buuggan. Waa arrin cajiib ah runtii, waayo iska daa qof da’da Shariif oo kale ah, ee dadka da’da yar ee maanta jooga ayaan kayd sidaas oo kale ah laga fili karin!
Aqoontii Shariif mar ay qorayaashu weedho ku cabbireen sidan ayay inoogu soo koobeen: “Run ahaantii, Shariif Saalax wuxuu ahaa aqoonyahan leh aqoon qoto dheer oo dhinacyo badan leh. Waxa uu ahaa nooca loo yaqaan mawsuucada. Aqoontiisu waxay ku aroortaa qaybaha kala duwan ee kasmada sida culuunta siyaasadda, taariikhda, culuunta bulshada, luqadda, suugaanta iyo dhaqanka.” (Bogga 35).
Shariif wuxuu ahaa nin waayo-aragnimo badan kasbaday, taas oo aqoontiisa aad u bishay. Waa kuwan qorayaasha oo arrintaa wax inooga iftiiminayaa: “Waxyaalaha kale ee kasmadiisa aqooneed kobciyay, sarena u qaaday, waxa ka mid ah waayo-aragnimadii uu ka dhaxlay dalalkii kala duwanaa oo uu ka soo shaqeeyay, iyo xilliga uu soo joogay. Wuxuu ka soo shaqeeyay dalal kala duwan, leh dhaqammo kala duwan, ay ka talinayeen hannaano siyaasadeed oo kala duwan. Tani waxay dhaxalsiisay waayo-aragnimo hodan ah.” (Bogga 51)
Nin sida Shariif oo kale haldoor ah fikradihiisa, qoraalladiisa iyo aragtiyihiisa in la faalleeyo ama si cad oo laqbo fiican leh loo soo gudbiyaa wax fudud ma aha. Arrintaa markii aan akhriska buugga bilaabayay ayaan ka fikiray, waxaanan u arkayay hawl culus oo in xil weyn la iska saaro u baahan. Waxaan eegay sida ay qorayaashu arrintaa u qaabeeyeen, markii aan akhriskii dhammeeyayna waxa ii caddaatay in ay dedaalkii loo baahnaa iyo dheeraad geliyeen oo aanay ku degdegin, si hufan oo qiime lehna ay u soo bandhigeen. Taasi waxay ka muuqataa qaybaha culculus ee buugga. U fiirso, tusaale ahaan, cutubka 5aad ee qaybta koowaad sida ay u nidaamiyeen intii aanay dulucda inagu soorin.
Shariif Saalax wuxuu mar ahaa Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare. Waxa kale oo uu ka mid ahaa aqoonyahannadii lafdhabarta u ahaa Akaademiyadda Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Sida aynu meel hore ku soo sheegnay, waxa kale oo uu xilli xilliyada ka mid ah ka tirsanaa Guddigii Af Soomaaliga, marna guddoomiye ayuu u ahaa. Xilalkaa uu qabtay waxa uu dheerayd in uu qoraa ahaa. Waxa u dheerayd in uu cilmibaadhe ahaa, sida buugga ku xusanna, ay cilmibaadhistu hiwaayad u ahayd. Waxa intaas oo dhan u raacayay in uu lahjadaha af Soomaaliga iyo afaf kaleba yaqaannay. Arrimahaas ayaa, sida aan isleeyahay, keenay in uu Shariif Saalax afkeenna aad iyo aad u daneeyo, qoraallo iyo khudbado cajiib ah oo kala duwanna ka diyaariyo.
Shariif wuxuu wax ka qoray tayaynta af Soomaaliga. Wuxuu xusay in horumarka afafka iyo tayayntooda ay ka shaqeeyaan qorayaasha, maansayahannada, warfidiyeenna iyo maandheerayaasha. Maaddaama hay’ado si rasmi ah ugu xilsaarani aanay waqtigan jirin, wuxuu qabay in idaacadaha barnaamijyada af Soomaaliga ahi ka baxaani ay noqon karaan qaar qayb libaax ka qaadan kara tayaynta af Soomaaliga. Arrintaa darteed, Shariif Saalax wuxuu sannadkii 2000 Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da u diray qoraal talo ah oo uu mawduucaa kaga hadlay. (Bogga 132).
Shariif wuxuu ka werwersanaa in afka iyo lahjadihiisa weji qabiil loo yeelo. Waxa qoraalka uu Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da u diray uu ku daray qodob uu u bixiyay “Welwelka maanta jira.” Qodobkaas ayuu arrintaa qabiilka la xidhiidha kaga hadlay, waxaanu qoray haddii ay sidaasi dhacdo in ay wax waliba inaga fasakhmi doonaan, sida ay siyaasaddu waayadan u fasakhantay una wareertay. (Bogga 133).
Afafku ereyada way kala qaataan, haddii aynu islahayn af Soomaaliga uun baa afafka kale wax ka soo qaatana, Shariif wuxuu halkan inoogu sheegayaa in uu afka Ingiriisigu afkeenna ereyo ka amaahday. Ereyadaa waxa ka mid ah:
Waabaayo
Garanuug
Waxa kale oo jira ereyo af Soomaali ah oo ku jira lahjadda Maxaa tiri, kuwaas oo aan macnahooda si fiican loo fahmi karin ilaa la cuskado lahjadda Maayga. Ereyadaa Shariif kuwan ayuu inooga soo qaaday:
Fad (Baadifad). Ereyga “Fad” sida uu Shariif caddeeyay, macnihiisu waa xoolo laga dhiibo gabadha la guursanayo (Yarad).
Seed (Horseed). “Seed” isna macnahiisu waa hormood.
Dhanka kale, waxa jira ereyo Maxaa tiri ah oo ku jira lahjadda Maay, kuwaas oo aan iyagana macnahooda si wacan oo garan karin ilaa laga baadho lahjadda Maxaa tiri. Kuwaana waxa ka mid ah sida uu Shariif inoo caddeeyay:
Hergel: Hadhgal (Hargal)
Inanlayaal
Ereyga “her” oo “hadh” la macne ahi keligii kuma jiro lahjadda Maayga. Sidoo kale, ereyga “inan” kuma jiro lahjaddaas. Markaa si ereyadaa macnahooda loo fahmo waa in lahjadda Maxaa tiri laga eegaa. (Eeg bogga 128aad).
Shariif, sida bogagga 83 – 84 ku qoran, wuu yaqaannay lahjadaha kala duwan ee afkiisa. Waxa intii u dheeraa, sidii aynu kor ku soo xusnay, afafkii kale ee uu bartay. Sidaa darteed wuxuu aamminsanaa in adeegsiga afafka loo wada baahan yahay, maaddaama ay luqaduhu yihiin wax lagu wada xidhiidho.
Ninkaa qiimaha badan marka aad taariikh-nololeeddiisa akhrido, waxaad qorayaasha buugga ku raacaysaa in buugga laga qoray magaca “Haldoor” loo bixiyo. Haldoor ummaddiisa in badan u shaqeeyay ayuu ahaa. Sida bogga 88aad ku qoran, wuxuu ifka ka tegey taariikhdu markay ahayd 21kii Maarso, 2014kii. Waxa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Ilaahay Shariif Saalax Maxamed Cali ha u naxariisto, ummaddiisana dhaxalka aqooneed ee dahabiga ah, ee uu uga tegey ha ku anfaco.
Ugu dambayn, buuggan “Haldoor: Taariikh-nololeeddii iyo Dhaxalcilmiyeedkii Shariif Saalax Maxamed Cali (1936 – 2014)”, waa buug aad u qiima badan oo ay tahay in aad loo akhriyo. Qorayaasha aad iyo aad baan ugu ammaanayaa hawshaa qiimaha badan ee ay qabteen, waxaanan leeyahay, waad mahadsan tihiin.

Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com

Hargeysa