Xarunta dhexe ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo albaabada loo furay 29/12/2022, ayaa haatan waxaa u buuxsamay sanadguuradii labaad ee ka soo wareegtay furitaankeedii, muddadii ay furnayd, waxay samaysay waxqabad muuqda oo la taabankaro iyo horumar lagu faani karo, inkastoo hawlo kale oo xarunta u qorshaysnaa aysan qabsoomin.
Nasiibwanaag, markii la daahfuray xarunta, waxay islamarkiiba ku dhaqaaqday inay fuliso qorshayaashii u yiillay. Allaa mahad leh, intii u dhaxaysay 2023-2024, xarunta Akademiya Goboleedka, waxaa u qabsoomay: abaabulka iyo qabashada tababbarro kala heer ah iyo soo bandhigida daraasaddo cilmi ah, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen:-
-
Tababbar ku aaddan “Midaynta Habdhigaalka iyo Naxwaha Af Soomaaliga”.
-
Cilmibaaris ku saabsan “Midaynta Habdhigaalka Alifba’da Af Soomaaliga”.
-
Tababbar ku saabsan habka “Qoridda Qoraallada Habboon iyo Diyaarinta Warbixinnada”,
-
Aqoon-isweydaarsi ku saabsan “Habdhigaalka Aqoonsiga Muwaaddinka Soomaaliyeed”.
-
Tabbabar ku saabsan “Weerta Af Soomaaliga & Kaalinta Qurubyada”
-
Cilmibaaris ku saabsan “Naxwaha Af Soomaaliga”
-
Iyo Muxaadarooyin la xariira dhinaca af Soomaaliga.