Maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), oo ah xarun cilmiyeed loogu talaggalay dhisidda garaadka dadka, xoojinta akhrisqoraalka, dhiirrigalinta qorayaasha, daalacashada buugaagta kala duwan, iwm, ayaa shalay oo ku beegneyd 20/10/2025, waxaa la soo gaarsiiyay buugaag kala duwan oo loogu deeqay maktabadda AGA.

Kusimaha guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Barasare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka guddoomay buugaagtaas qoraaga Cali Daa’uud Nuuriye ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo buug kasta oo lagu taageerayo maktabadda Akademiyada, waxaana uu caddeeyay in buugaagta loogu deeqay maktabadda ee kala ah “Jidka Nolosha iyo Maskax Dabran”  in akhristyaasha makatbadda ay wax badan ka faa’iidaysan doonaan.

Qoraha buugaagtaas qoraa Cali Daa’uud Nuuriye oo isna halkaasi ka hadalay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in nuqullo ka mid ah buugaagtiisa uu soo gaarsiiyo maktabadda AGA, waxaana uu si kooban uga hadlay nuxurka iyo macluumaadka uu buug walba xambaarsan yahay.

Buugga la yiraahdo “Jidka Nolosha”, waxa uu si dareen leh uga hadlayaa dhibaatada nolosha, waana dhacdo run ah oo soo koobaysa qof nolol adag soo marey, halka uu buugga “Maskax Dabran” uu yahay sheeko faneed laga qorey xaaladda  xilligaan lagu jiro.