Madaxa tababbarada Akademiya Goboleeedka Af Soomaaliga (AGA) Macallin Cabdullaahi Shiikh Cabdi Aadan (Gacanka) ayaa maanta oo ku beegan 13/10/2025, waxa uu xarunta Akademiyada ee magaalada Muqdisho uu ku soo bandhigay faaqidaad ku saabsan ararta tixda iyo kala saafideeda.

Macallin Gacanka ayaa si ballaaran oo u sharaxay  qaybaha iyo jaadadka ararta oo isugu jira arar is ammaanid, arar sababeyn, arar halqabsiyeed, arar  hogatusaaleyn, arar ekeyn iyo arar qofeyn, wuxuuna mid mid u dulistaagay mid walba oo ka mid ah jaadadka ararta ee dhinaca tixda.

Madaxa tababbarada Akademiya Goboleeedka Af Soomaaliga oo sharaxaadiisa sii wata ayaa caddeeyay in mowduucaan ku saaabsan ararta tixda uu yahay mid mug weyn, wuxuuna hoosta ka xarriiqay inay muddo ku qaadatay soo diyaarinta mowduucaan xiisaha badan, isagoo bulshada ku guubaabiyay inay fiiro gaar ah u lahaadaan suugaantooda iyo sooyaalkeeda.

Qaar ka mid ah hawlwadeennada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay cilmibaaaristaas uu soo diyaariyay madaxa tababbarada Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga.