Senator Cabdiwali Ibraahim Garyare ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa deeq buugaag ah ku taageeray maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA),
Senatorka oo ka qaybgalayay bandhigga buugga “Hiil iyo Hanasho Haween” ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in maktabadda Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga uu ugu deeqo nuqullo ka mid ah buugga qiimaha badan ee laga qorey waxtarka haweenka Soomaaliyeed.
Munaasabadii baalfurka buugaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay madax kala duwan, qorayaal iyo marti sharaf aad u fara badan.