Madashii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo bishiiba hal mar la qaban jirey ayaa xalay oo ku beegneyd 6/11/2021, waxa ay ka qabsoontay aaladda loo yaqaano Zoomka, iyada oo lagu faaqiday “Hal-abuurkii iyo Dhaxal Cilmiyeedkii Dr. Maxamed Daahir Afrax” oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska.
Madashaas oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xeeldheeayaal isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi, kuwaasi oo si qoto dheer oo faahfaahsan u lafa-gurey mowduucii madashaasi looga hadlayay.
Ku-simaha Guddoomiyaha AGA Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo lagu soo dhaweeyay ereygii furitaanka madashaasi ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay sida ay Akadeemiyadu u joogteeysay ka hadalka waxtarkii Maxamed Daahir Afrax, waxaana ay tilaamaamtay in ay si diirran u soo dhaweynayso xeel-dheerayaasha loo soo xulay in ay ka hadlaan dhaxal cilmiyeedkii Dr. Afrax, iyada oo soo jeedisay in la mideeyo dadaallada ku aadan sidii loo soo bandhigi lahaa waxqabadka Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka Dr. Maxamed Daahir.
Intaasi kadib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay aqoonyahannadii martida ku ahaa barnaamijkaasi, kuwaasi oo kala ahaa Dr. Martin, Garyaqaan Cabdi-qawi, qoraa Saciid Jaamac Xuseen, Dajire Axmed Ciise Cawad iyo Md. C/salaan Ciise Salwe.
Xeel-dheerayaashii ayaa si kala gooni-gooni ah uga hadlay doorkii uu Dr. Afrax ku lahaa curinta sheeko fanneeda Soomaalida iyo kaalintii uu ka qaatay faaqidaada suugaanta, waxayna caddeeyeen in uu marxuumka ahaa aqoonayhan wax badan ku soo kordhiyay, isla markaana cusboonaysiiyay habka sheeko curinta iyo faaqidaada suugaanta Soomaalida, iyaga oo qirey in uu ahaa dhirrigiliye iyo nooleeyaha afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.
La-taliyaha sare ee Guddoomiyaha AGA Bare sare Mustafa C/llaahi Feyruus oo isna ka hadlay madashaasi ayaa sheegay inuu Dr. Afrax ahaa horyaalkii sheeko faneeda Soomaalida, waxaana uu hoosta ka xariiqay inuu lahaa xirfad ku aadan farshaxanimo iyo aftahannimo dhinaca qoraalka ah iyo fariin dhumuc weyn, isaga oo tilmaamay in ay qoraaladiisa ku horgeynayaan qofka uu ka sheekaynayo.
Madashaasi oo aheyd mid xiiso badan ayaa ugu dambayntii ku soo gaba-gabowday jawi wanaagsan.