Madashii horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee (AGA) oo bishiiba hal mar la qabto ayaa xalay oo ku beegneyd 3/7//2021, waxa ay ka qabsoontay aaladda fogaan aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka.
Madashaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dheggiisu yahay “Hal-abuurka Suugaanta iyo Halgankii Xorriyadda, waxaana ka soo qeyb-galay madaxda iyo maqaawiirta AGA, xeel dheerayaal ku taqasusay afka iyo dhaqanka, macallimiin, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo jecel horumarinta afka Soomaaliga.
Furitaankii madashaasi waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax waxaana uu sheegay madashii xalay in ay la jaanqaadayso xilliga la joogo, isaga oo tilmaamay in ay ku soo beegantay munaasabaddo is barkan oo ay ka mid yihiin xuska toddobaadka xorriyadda, 8 sanno-guuradii ka soo wareegtay aas-aaskii Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga( AGA) iyo xuska sannad-guuradii koowaad ee adeegsiga aaladda Zoomka ee madasha AGA.
“Caawa waxa aan madasheenna ku iba furaynaa xirmadii labaad ee madashaas, horey waxaa inoogu soo buuxsantay xirmo hore, waxa aan ku faraxsan ahay in sannadkii la soo dhaafay la gaarey guullo badan oo wax ku ool ah, sidaas daraadeed aniga oo ku hadlayo magaca AGA waxa aan halkaan uga mahadnaqayaa naftood-hurayaashii suurta-galiyay in ay bil walba qabsoonto madashaan” ayuu yiri Dr. Afrax oo u soo jeediyay aqoonyahannadaas iyo sama taliskaas in ay dadaalkooda sii laba jibaaraan.
Intaas kadib, waxaa cod baahiyaha lagu wareejiayay xeel-dheerayaashii madashaasi lagu martiqaaday, kuwaasi oo kala ahaa Qoraa iyo Suugaanayahan Axmed Faarax Cali (Idaajaa), Abwaan Yuusuf Cismaan Shaacir, Abwaan Xaashi C/llaahi Orrax iyo Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed.
Maqaawiirtaas ayaa madashaasi ku soo bandhigay suugaan kala duwan oo la tiriyay xilligii gobanimadoonka, maansadaas oo aad loo jeceleystay ayaa waxaa ka mid ahaa:-
-
“Rujul kaafir ah ee rugtaan yimid
sidii Rasuul rabbi nooma soo dirin
mana rabnoo naga reed bax waa niri
haddaad ruux la daagasho kaa roon
reerkaad u kaashaan laheydna raagaan
raggow haddoo qalbi waa rafaadaa”
iyo kuwo kale oo aad u xiiso badnaa.
Gababa-gabadii madashaasi waxaa su’aallo iyo tallooyin ku soo gudbiyay qaar ka mid ah aqoonyahannadii ka soo qeyb-galay, waxaana su’aalihii halkaasi lagu soo bandhiggay si saraaxad leh uga jawaabay Guddoomiyaha AGA iyo xeel-dheerayaashii martida ku ahaa madashaasi qiimaha badneyd.