Madashii horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee (AGA) oo bishiiba hal mar la qabto ayaa 19/6/2021, waxa ay ka qabsoontay aaladda fogaan aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka, iyada oo lagu gorfeeyay mowduuc aad u xiiso badnaa oo uu hal-ku-dheggiisu ahaa “WAXTARKA AY SUUGAANTU U LEEDAHAY BULSHADA: MURTI & MAAWEELO”.
Furitaankii madashaasi kadib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Md Cabdirashiid Cawsgurow oo ah maansayahan Soomaaliyeed, waxaana uu si qoto dheer uga hadlay sida ay maansadu saldhig ugu tahay hodontinimada afka Soomaaliga, waxaana uu caddeeyay in ay maansadu dhisto caqliga qofka, isaga oo hoosta ka xarriiqay maansadu in ay tahay tan kaliya ee maaceeneysa afka, hal-abuurka, kaftanka iyo qeybaha kale ee nolosha.
Md. Rashiid Sh. Cabdillaahi “Gadhweyne” oo ka mid ahaa xeeldheerayaashii ka qeyb-qaatay soo jeedinta madashaasi ayaa si weyn u gorfeeyay kaalinta suugaanta ee arrimaha bulshada, waxaana uu tilmaamay ummad walba in lagu garto suugaanteeda, isaga oo ku baaqay in loo hawlgalo xoojinta suugaanta Soomaaliyeed ee qaniga ah.
Qoraa iyo suugayahan Siciid Jaamac Xuseen oo ka mid ahaa soo jeediyaashii madashaasi ayaa si cilmiyaysan uga hadlay arimo la xiriira Tiraabta, waxaana uu sheegay tiraabtu in ay ka da’ yar tahay Tixda, waxaana uu ku nuux-nuuxsadey laamaheedu in ay ka mid yihiin sheekada dheer, midda gaaban, xusuus qorka, lafa gurka iyo wixii soo raaca, isaga oo xusay in ay tiraabtu la wareegtay qarnigii 19-aad calanka sugaanta qoran.
“Tiraabtu qoraal ayaa lagu tabiyaa, akhrisna waa lagu hantaa, ummadda Soomaaliyeed waxa ay tiraabteeda kor u soo kacday qoristii farta Soomaaliga kadib, tiraabtu waxa ay waxtar weyn ka gaysataa barbaarinta ama baraarujinta akhristaha, kor u qaadida wacyigiisa, hufida akhlaaqdiisa, ballaarinta adduun aragiisa & soofaynta maskaxdiisa” ayuu yiri Saciid Jaamac oo sheegay in ay lagama-maaraan tahay in loo hawl-galo sii xoojiyo awoodda ereyga qoran.
Qaar ka mid ahaa ka qeyb-galayaashii madashaasi ayaa halkaasi ku soo bandhiggay su’aallo iyo tallooyin ay ku biirinayeen madashaasi, iyada oo aqoonayhannadii soo jeedinayay madashaasi ay ka jawaaben weydiimihii ay ka qeyb-galayaashu soo hor-dhigeen.
Gaba-gabadii madashaasi waxaa soo xirray Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfsSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax oo u mahadnaqay xeeldheerayaashii iyo suugayahannadii soo jeediyay madashaasi, waxaana uu iftiimiyay in ay jiri doonaan madallo kale oo lagu kala faa’iideysan doono.