Xalay oo ku beegnayd 8/1/2022, Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) waxa ay ku guulaysatey qabashada Madasha AGA ee horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed, taasi oo ah madal bishiiba hal mar la qabto, iyada oo madashaasi  lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dheggiisu yahay “FALANQAYNTA SILSILAD-MAANSEEDYADII SOOMAALIDA EE QARNIGII 20-AAD”.

Madashaas oo aad u xiiso badneyd ayaa ka qabsoontay aaladda fogaan-aragga ee loo yaqaanno (ZOOM), waxaana ka soo qeyb-galay madaxda iyo maqaawiirta AGA, xeeldheerayaal suugaaneed,  maskax-maal ku taqasusay afka, dhaqanka iyo hal-abuurka, macallimiin, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo kala joogtay daafyaha caalamka.

Furitaankii madashaasi waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Abwaan Maxamed Cismaan Guuleed oo si cilmiyaysan uga hadlay sida ay u abuuranto Silsilad, waxaana uu sheegay sideeba maansada marka ay silsilada noqonayso in ay ku noqoto xaraf raac, isaga oo si qoto dheer uga sheekeeyay sida ay silsiladaha qaarkood ku yimaadeen iyo waqtigii ay socdeen.

“Sannadkii 1890 ilaa 1950 silsiladaha caan baxay waxaa ka xusi karaa Guba 1, & 2, Halac-dheer, Xeydha, Hoomeey, Urgumo iyo kuwa kale, abwaanno badan oo caan ahaa ayaa ka qeyb-qaatay silsiladahaas, iyada oo silsilad walba ay ka bilaabanaysay ujeeddo gaar ah, xaqiiqidii silsiladaha qaarkood waa la isku khilaafsan yahay taariikhda ay bilawdeen, waxaana jira kuwo waqti dheer socday, iyada oo silsilada walba laga helay macluumaad gaar ah oo ay gudbinaysay” ayuu yiri Abwaan Maxamed Cismaan.

Suugaanyahan Rashiid Garweyne oo ka mid ahaa martidii lagu casuumay madashaasi ayaa dulmar ku sameeyay sida ay ku dhalatay silsilada Siinleeyda, waxaana uu sheegay in lagu ibba furay Saxarla’ waxaana uu tilmamaay in ay Siinleydu laheyd mowduuc ku saabsnaaa dalalkii Soomaaliya ka maqnaa oo xilligaas la raadinayay, isaga oo caddeeyay in maansooyinka silsiladaas si xoog leh loo dhagaysan jirey, iyada oo saameynteedu ay aheyd mid aad u ballaaran.

Macallin Saciid Saalax ayaa isna si faah-faahsan uga hadlay silsiladihii Deeleyda iy Siinleeyda, waxaana uu iftiimiyay in xaruntii Kulliyada  waxbarashada Lafoole ay saldhig u aheyd silsilada Siinleyda, waxaana uu tilmamaay in silsiladaas ay bilaabatay 1972, ayna socotay 10 bilood, isaga oo ku hoosta ka xariiqay in silsiladaas ay laheyd sarbeeb aad u badan.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay silsilada la yiraahdo Deeleyda waxa uu sheegay in silsiladaas ay aheyd mid ballaaran oo dad badan ay ka qeyb-galeen, waxaana uu carrabka ku dhuftay in silsiladaas ay noqotay meel mar, isaga oo xaqiijiyay in ay ku joogsatay qaab cabsi-galin ah.

Soo jeedintii xeeldheerayashaas kadib, waxaa la guda galay su’aalo ay ka qeyb-galayaashu weydiinayeen suugaanyahannadii martida ku ahaa madashaasi, iyada oo ugu dambayntii ay ku soo gaba-gabowday si xiiso badan.

 Madashaan ayaa noqonaysa middii ugu hoeysay ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ay qabato sannadka cusub ee 2022-ka.