Madashii horumarinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed ee (AGA) oo bishiiba hal mar la qabto ayaa xalay oo ku beegneyd 4/12/2021, waxa ay ka qabsoontay aaladda fogaan aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka.

Madashaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu gorfeeyay mowduuc uu hal-ku-dhiggiisu yahay:- “Sooyaalka iyo Mawduucyada Sheeko-faneedda Casriga ah ee Soomaalida” waxaana ka soo qeyb-galay madaxda  AGA, aqoonyahankii martida ku ahaa barnaamijkaasi, xeel dheerayaal ku taqasusay afka, dhaqanka iyo suugaanta, macallimiin iyo marti sharaf kale.

Furitaankii madashaasi kadib, waxaa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyay Prof. Cali Jimcaale Axmed oo soo jeedinayay mowduucii madashaasi looga hadlayay, waxaana uu si qoto dheer oo cilmiyaysan uu uga hadlay taariikhda sheeko faneedda casriga ah, heerarkii ay soo martay, kaalinta ay kaga jirto suugaanta, faa’iidooyinka ay bulshadu u leeedahay, horumarka ay samaysay sheeka faneeddu iyo qodobbo kale oo xiiso badan oo la xiriiray sheeko faneedaas.

“Sheeko kasta oo la qoro duluc iyo fariin ayay gudbisaa, asalka  sheeko faneeddu waxay soo bilaabatay 1719, dhinac kasta oo nolosha ka mid ah ayay ka hadashaa, waxayna tabisaa sida ay wax u dhaceen ama waxay saadaalisaa waxa soo socda, xaqiiqdiina sheeko faneeddu waa mid mug weyn oo kaalin ballaaran kaga jirto suugaanta” ayuu yiri Prof. Cali Jimcaale oo sharaxayay kaalinta ay suugaanta kaga jirto sheeko faneedda.

Mar uu ka hadlayay  Prof. Cali Jimcaale Sooyaalka sheeka faneedda Soomaalida waxa uu caddeeyay  in ay soo baxday markii la qorey farta Soomaaliga, waxaana uu tilmaamay in ay horumar badan samaysay illaa ay awood u yeelatay in ay maqaam sare ku yeelato bulshada dhexdeeda.

Prof. Cali Jimcaaleka hor, waxaa madashaasi ka hadlay Macallin C/llaahi Gacanka oo soo jeediyay ereygii furitaanka iyo Bare Sare Mustafa C/llaahii Feyruus oo si guud mar ah u soo jeediyay taariikhda, aqoonta iyo doorka wanaagsan ee uu Prof. Cali Jimcaale ku leeyahay suugaanta.

Madashaasi oo aad loo jecleystay ayaa waxa ay ku soo gaba-gabowday jawi aad u wanaagsan.