Akadeemiye-Goboleedka waxay kugu martiqaadaysa madasha AGA ee bishan Disambar.
Madashan waxaa lagu gorfaynayaa “sooyaalka iyo mawduucyada sheeko-faneedda casriga ah ee Soomaalida”.
Waxaa soo jeedinaya Prof. Cali Jimcaale Axmed, oo cilmiga suugaanta ka dhiga jaamacadda “City University of New York” ee dalka Maraykanka. Waxaa kala sheekaysanaya Bare sare Mustafa Fayruus, ah xeeldheere ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka iyo bare jaamacadeed Af-Soomaaliga iyo suugaantiisa.
Waxay ku bixi doona aaladda ZOOM habeenka Sabtida ay Axaddu soo gelayso 04/12/2021, 07:00 – 09:00 fiidnimo/pm. Insha Allaah.