Jaamacadda caanka ah ee la yiraahdo Bariga Afrika oo xarunteeda weyn ay ku taalo magaalada Garoowe ee Dawlad Goboleedka Puntland ayaa guddoonsiisay Shahaado-sharaf heer sare ah Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo magaca Jaamacadda shahaadadaas ku guddoonsiiyay Guddoomiyaha AGA ayaa ku dheeraaday bogaadinta iyo waxqabadka Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Shahaado-sharaftaas oo aheyd mid heer sare ah ayaa waxaa ku qornaa inuu Guddoomiyaha AGA ku mutaystay “Kaalinta weyn ee uu ka qaatay horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ilaalinta sooyaalka Soomaaliyeed iyo yagleelidda Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA).”
Ugu dambayntii Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana uu Jaamacadda Bariga Afrika uga mahadceliyay Shahaadadaas ay guddoonsiiyeen, isaga oo dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacaddu ugu jirto wax-barida ardayda Soomaaliyeed.















