Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda fanka iyo eheladii ay ka geeriyootay fanaannadii Qaranka Seynab Xaaji Cali Baxsan oo 19/10/2020 ku geeriyootay Muqdisho.
Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa sheegay inay Seynab Xaaji Cali Baxsan ay kaalin muuqata ka soo qaatey wacyigilinta bulshada Soomaaliyeed iyo xoojinta dareenka wadaniyadda dadka iyo dalkeena, iyada oo uu xusay inay safka hore kaga jirtay hoballadii Qaranka ee horseedka u ahaa xoojinta dhaqanka, afka iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha AGA ayaa hoosta ka xariiqay in geerida fanaannadaas ay wada taabatay ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu Alle uga barayay inuu Jannadiisa ka waraabiyo, qoyskii ay ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Allaha u naxariistee Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa ku guuleysatay billado dhowr ah oo ay ku muteysatay suugaanta dhiiri-gelinta leh iyo kuwa wadaniyadda ka hadlaya oo ay hore ugu luuqeysay.