Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo ka hadlayay Shirka Tala-bixinta iyo Dib-u-dhiska Guddiga 4-aad ee Af Soomaaliga ayaa sheegay Afka Soomaaliga inuu yahay Af ay u dhan yihiin naxwihiisa, qoraalkiisa iyo Qaamuuskiisa, hase yeeshee ay jiraan wax yar oo ka dhimman.
“Afkeena hooyo waa af ku filan intii la doono in wax lagu gudbiyo, waa suuragal inuu u baahan yahay kicin, qof aan akhrin xeerka af Soomaaliga ayaa ku doodayo inuu afkeena hooyo yahay mid qabyo ah, taasina waa waxba kama jiraan” ayuu yiri Prof. Cabdalla Mansuur oo ku talliyay in loo hawlgalo mideynta, erey bixinta iyo in si cilmiyaysan looga shaqeeyo horumarinta afka Soomaaliga.
Aqoonyahan Cabadlla Mansuur ayaa tilmaamay 30-kii sanno ee la soo dhaafay in ay dibadda ka wadeen nooleynta iyo hiilka afka Soomaaliga, waxaana uu iftiimiyay horumarinta afka inay u baahan tahay Dawlad xoog badan oo garab iyo gashaan u noqoto kor u qaadida afka Soomaaliga.















