Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa xalay oo ku beegneyd 23/10/2021, waxa ay qabatay Madal Gaar ah oo loogu tala-galay in loogu duceeyo Guddoomiyihii Akadeemiye-Goboleedka Dr. Maxamed Daahir Afrax oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska.

Madashaasi oo la xiriirtay soo bandhiggida waxqabadkii Dr. Maxamed Daahir iyo Xus iyo Xusuus loo samaynayay marxuumka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Soomaaliya, madaxda AGA, wakiillada Akadeemiyada qaarkood, aqoonyahanno, xeeldheerayaal afeed iyo marti sharaf kale, iyada oo  lagu qabtay madashaasi aaladda Zoomka.

Ku-simaha Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka AGA Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin ayaa ugu horeyntii halkaasi ka soo jeedisay ereyga furtitaanka, waxaana ay  sheegtay in uu Maxamed Daahir ahaa masuul qiimo badn oo ka baxay ummadda oo dhan, gaar ahaan bahda qorayaasha Soomaaliyeed, iyada oo Alle ugu bariday in uu Jannada ka waraabiyo.

La-tilyaha sare ee Guddoomiyaha AGA Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus ayaa madashaasi ka soo jeediyay waxqbadkii faraha badanaa iyo taariikh nololeedii Dr. Afrax, waxaana uu caddeeyay tirsiga soo socda ee Warsidaha AGA oo dhan in loo hibeeyay taariikhda, waxqabadka iyo tacsida Dr. Afrax.

Sidoo kale, waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda Danjire Axmed Ciise Cawad, Guddoomiye Ku-xigeenka AGA Dr. Cabdi-naasir, Wakiillada Akadeemiyada ee Waqooyiga Maraykanka, Ingiriiska, Jabuuti iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Macallin Saciid saalax, Prof. C/qaadir Ruumi, Dr. Nimcaan Qawrax iyo Macallin Maxamuud, kuwaasi oo si kala gooni-gooni ah uga hadlay taariikhdii Dr. Afrax, iyaga oo marxuumka Alle uga baryay in uu qabriga u waasiciyo, Jannadiisana geeyo.

Xeeldheere Cabadlla Mansuur oo ka mid ahaa khubaradii ka soo qeyb-gashay madashaasi ayaa sheegay in uu si aad ah uga naxay geerida Dr. Afrax, waxaana uu qirey in bahda afka, dhaqanka iyo qoraalka uu ka baxay halyeey weyn, isaga oo halkaasi ku soo bandhigay tallooyin wax ku ool ah.

Madashaasi oo si qurux badan u dhacday ayaa qeyb waxa ay ka aheyd barnaamijyo taxane ah oo la xiriira sidii loogu duceyn lahaa Guddoomiyihii AGA Dr. Afrax oo 9/10/2021 ku geeriyooday magaalada London.