Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), ahna Guddoomiye-sharafeedka Somali Pen Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa shalay oo ku beegneyd 24/11/2020, waxaa magaalada Muqdisho lagu guddoonsiiyay shahaado sharaf qiimo badan, taasi oo uu guddoonsiiyay naadiga Somali Pen laantiisa Koonfurta Soomaaliya.
Guddoomiyaha Somali Pen ee laanta Koonfurta Soomaaliya Cabdi-naasir Yuusuf Macallin oo shahaadaasi guddoonsiiyay Guddoomiyaha AGA ayaa caddeeyay Dr. Maxamed Daahir in uu shahaadadaas ku mutaystay “Kaalinta weyn ee uu ka qaatay horumarinta afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, ilaalinta sooyaalka Soomaaliyeed iyo yagleelidda Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA)”.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), ahna Guddoomiye-sharafeedka Somali Pen Dr. Maxamed Daahir Afrax oo isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay shahaadadaasi qiimaha badan oo ay Somali Pen guddoonsiisay, waxaana uu tilmaamay inuu Somali Pen uga mahadcelinayo shahaadadaasi ay ku sharfeen.
Dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiayha AGA loo aqoonsadey Haldoorka sannadka 2020, iyada oo dhinaca kalana bishii Oktoober ee sannadkan ay shahaado heer sare ah guddoonsiisay Jaamacadda caanka ah ee Bariga Afrika ee xarunteeda weyn ay ku taallo magaalada Garowe.















