Home Hal-abuurka & Suugaanta Mangalool Milicsi Kooban (Suugaanta Cismaan Dubbe, 2022) Hal-abuurka & Suugaanta Mangalool Milicsi Kooban (Suugaanta Cismaan Dubbe, 2022) June 22, 2022 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Buug suugaaneedkan Mangool uu curintiisa iyo ururintiisaba leeyahay, Wasiir, Qoraa, Hal-abuure, Md Cismaan Obokor Dubbe, waa saynsaab sida 100 maansood, hadda waa boqol maansood. Qoraha oo hordhaca ku sharraxaya magaca buugga waxa uu leeyahay: magaca buuggu waa Mangalool, oo kooban labada eray ee kala ah Man iyo Galool. ‘Man’ Soomaali ahaan waa ubaxa kiisa cad ee ka baxa dhirta qodaxdlayda ah sida galoolka, qudhaca, maraaga…. ikk. Sidaas darteed, Mangalool waa mankii galoolka ama ubaxii ka baxay geedka galoolka. Waxa uu ku iba-furmayaa buuggu, maanso la yiraahdo: “Dhulka waayo noo joog” oo ah codsi iyo duco loo dirayo hooyada, waxa uu ku soo abyoomayaa isla maanso baafinaysa hooyada lana yiraahdo: “Kummee hooyooy, kummee?” oo ah maanso qiiro badan. Intaas dhexdooda waxa ku jira 98 maansood oo ka hadlaya wax kastoo nolosha iyo waayaheeda ku saabsan. Waa maansooyin kuligood taabanaya dareenka, dadka iyo degaanka Soomaaliyeed. Masalan aan milicsanno sida uu dareenka u sifeeyay buuggu, waxan soo dhufan karnaa dhawr maansood oo la xiriira qalbiga iyo jacalka, sida ee “Jacaylka iyo billowga Tignoolajiyadda”, 9aad; “Geedka Caashaqa”, 62aad iyo “Hinqasho”, 98aad. Maansooyinka degaanka ka hadlaya aad bay uga badan yihiin buugga dhexdiisa, masalan magaalooyinka sita magaca maansooyinka qaarkood: Ubaxii Jammaame, 3aad; Isha Ceerigaabo, 10aad; Wajaale iyo Wardheer, 19aad; Inantii Ceelbuur, 39aad ikk. Buugga oo ku qoran erayo nuxur leh, mar waa taariikh, tusaale maansada Dalkii Mandela, 33aad, waxa ka horreeya taariikh kooban oo Mandela iyo halgankiisa dulamaraysa; marna waa tilmaan maansada Mayay, 18aad. Gudaha boqolka maansood dhexdooda kama gayoonaysid. Qofba wax baa taabta e, maaansada sida gaarka ah ii damqisay waa geeraarka Laba Geed, 41aad. Waa qaddiyad xanuun badan. Maansadu waxay ku hadlaysaa afka wiil loo garbaduubay gardarro loona soocay haybta uu yahay darteed. Gabagabada waxaan qoraha buugga Mangalool leeyahay, waad ku mahadsan tahay, in aad noo hal-abuurtay maansooyinkaas quruxda iyo toolmoonida badan. Sidoo kale, Md Cismaan Dubbe, waad ku mahadsan tahay in aad mar labaad isu xilsaartay hal-abuurkaagii oo aad noo hal qortay. Mar saddexaadna waxaan si gaar ahaaneed kaaga mahadnayaa, in aad buugaagga ii hibaysay. W.D Seynab Ugbaad MAQAALLO LA XIDHIIDHADHEERAAD AH OO KA SOO QORAAGA Halwad (Sheeko Gaaban) Mahuraan Baroordiiqdu! Sheekooyinka Ubaxii Murugada Xulka Maqaallada Wax Akhriska waa Dhaqan June 20, 2022 Falanqaynta Dhiganaha LAABTA KA SOCO: «Dareen iyo Garasho» April 22, 2022 Taariikh Nololeedkii AHN Dr. Maxamed Daahir Afrax! (W/D: Macallin Gacanka) November 13, 2021 Horyaalkii Qorista Sheeko Fanneedda Soomaalida (Dr. Maxamed Daahir Afrax) November 1, 2021 Adeegsiga Af Soomaaliga iyo Cilmi-baarista September 3, 2021 Maqal iyo Muqaal Daawo: Munaasabaddii Xuska Maalinta Afka Hooyo oo lagu Qabtay Muqdisho February 23, 2022 Daawo: Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo Muxaadaro u Qabatay Xubnaha Somali Pen January 23, 2022 Dhageyso: Bare sare Mustafa Feyruus oo laga Wareystay Khatarta ku soo... December 19, 2021 Daawo: Guddoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga & Fanka oo ka Hadlayo Taariikhdii iyo... December 3, 2021 Daawo: Tababbarkii ay u Qabatay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) Saxafiyiinta G/Banaadir November 26, 2021