Xeeldheere Cali Jimcaale Axmed (Prof. Cali Jimcaale), wuxuu ku dhashay caasimadda Soomaaliya—Muqdisho, hilaaddii 1958-dii. Wuxuu wax ku bartay magaalada Mudisho. Waxa uu ka baxay kulliyaddi Lafoole ee jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan kulliyaddii waxbarsahada, isagoo ka qalinjabiyay qaybtii afka Soomaaliga & afka Ingiriisiga. Waxa heerka labaad iyo kan saddexaadba uu ku soo qaatay dalka dibaddiisa. Waxa uu bare iyo macallin ka noqday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) qaran-jabki ka hor.

Aqoonyahan Dr. Cali Jimcaale Axmed waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah, sidoo kalena ah gabayaa curin og jaadadka maansada, filim-sameeye, iyo baare ku xeeldheer aqoonta dhaqanka iyo cilmiga bulshadaba. Waxa uu geed-fadhi u ahaa; isbarbardhigga cilmiga suugaanta, daraasaadka filimada, daraasaadka Afrika. Waxa hubaal ah inuu si gaar ah diiradda u saaray: dhaqanka Soomaaliyeed, af-Soomaaliga, hiddaha iyo sheekooyinka afka laga dhaxlo. Burburkii iyo kala haadkii kaddib, waxa uu bare ka noqday jaamacado ku yaal carriga Maraykanka, sida Queens College, City University of New York.

Marxuumku waxa uu ahaa gabayaa iyo qoraa sumcad ku dhex leh shacabka Soomaaliyeed iyo bulshada Geeska Afrika. Haddii aan wax uun ka tilmaanno xeeldheeraha wax-soosaarkiisa iyo qoraalladiisaba, waxay inta badan ka hadlaan: aqoonsiga Soomaalinnimada, qurbaha iyo jaahwareerka tahriibka, xusuusta iyo hiddaha faca weyn ee aan isugu gudbino werinta afka iyo dheg-ku-xambaarka. Muhiimadda uu leeyahay Prof. Cali Jimcaale Axmed haddii aan soo koobno waa “shaqsi kaalin weyn ka ciyaaray ilaalinta iyo faafinta dhaqanka Soomaaliyeed, isaga oo isku xiraya hiddaha soo jireenka ah iyo aqoonta casriga ah”. Xeeldheeruhu, waxa uu xijaabtey 31-Mar, 2026-kii.

Maansadani, waa howraar kooban oo aan ka jeediyey munaasabad baroordiiq iyo duco ahayd oo lagu qabtay 9, Abriil-2026 Masraxa Prof. Shiriif Saalax ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, maansada “Guntanihii Dadweynaha” waxa ayna tidhi sidatan;

Awrka gibilka loo xiray

Gonda-jiidka lagu raray

Guuraha habeennimo

Guradiisa lagu ridey

Gurmadkii u heelnaa

Gaawaha u culi jirey

Afka goosankiisiyo

Kasmadii geyiga tiil

Garka wiilka haystaa

Foolaadka go’ay buu

Gobka haraca weyn iyo

Guryasamo ku furayaa.

****************

Gundhigeedda xaajadu

Waxay galabta joogtaa

Garbadduubku weynaa

Galaayuusku badanaa

Gocashadan xanuunka leh

Geeridu ku marantahay

Gabalaaxsanmaynee

Gacalkiyo qaraabooy

Miyey golaha keeneen?

****************

Guullow Allahayoow

Godka iilka loo qoday

Gaso iyo Ganuun baa

Gogol loogu fidiyeye

Gasiin awliyaad iyo

Gocosada macaan iyo

Gomonshaaga miidda leh

Ugu gaaci sabadkiyo

Goofkiyo hareeraha.

***************

Garaadkii aqoontiyo

Gabbaadkii ogaalkiyo

Geedkii hadhka lahaa

Gorfayntii fankeenniyo

Galoolmudhay iftiinkii

Suugaanta guunka ah

Giraanteedu culustahay

Gorgorkii u sahantegey

Galalkeeda faaqidey

Godlin jirey tiraabaha

Gaaggaxa ka caagnaa

Guullaha awoodda leh

Gacantiisu weyntahay

Geeridu xaq weeyee

Cali galabta oofsaday

Guranaa kashaydii

Godob lama gunnaystee

Godka xeerku culusaa

Miyaan geed la tegayaa?

******************

Guntanihi dadweynaha

Waajibkiisa gudan jirey

Gunta, seeska sheekada

Guntimaha ku xiri jirey

Oo gogoldhig ararliyo

Gabalgabal u qori jirey

Guullaha awoodda leh

Gacantiisu weyntahay

Geeridu xaq weeyee

Cali galabta oofsaday

Guranaa kashaydii

Godob lama gunnaystee

Sirta gabaygu culusaa

Miyaan giisi karayaa?

*****************

Guntanihi dadweynaha

Waajibkiisa gudan jirey

Gunta, seeska sheekada

Guntimaha ku xiri jirey

Oo gogoldhig ararliyo

Gabalgabal u qori jirey

Guullaha awoodda leh

Gacantiisu weyntahay

Geeridu xaq weeyee

Cali galabta oofsaday

Guranaa kashaydii

Godob lama gunnaystee

Guurow ha joogee

Miyaan guuxi karayaa?

****************

Guntanihi dadweynaha

Waajibkiisa gudan jirey

Gunta, seeska sheekada

Guntimaha ku xiri jirey

Oo gogoldhig ararliyo

Gabalgabal u qori jirey

Guullaha awoodda leh

Gacantiisu weyntahay

Geeridu xaq weeyee

Cali galabta oofsaday

Guranaa kashaydii

Godob lama gunnaystee

Giishkiyo Madiixii

Miyaan gaado karayaa?

*****************

Guntanihi dadweynaha

Waajibkiisa gudan jirey

Gunta, seeska sheekada

Guntimaha ku xiri jirey

Oo gogoldhig ararliyo

Gabalgabal u qori jirey

Guullaha awoodda leh

Gacantiisu weyntahay

Geeridu xaq weeyee

Cali galabta oofsaday

Guranaa kashaydii

Godob lama gunnaystee

Geeraarku culusaa

Miyaan goohi karayaa.

             Waxaa Tiriyay:

 Macallin, Maxamuud Cali Aadan Hoorri