Farta af Soomaaligu in ay qabyo tahay, sida dadka qaarkiis aamminsan yihiin, waa aragti aan qummanayn. Runtiise fartani waa mid fadhida, oo ku habboon af Soomaaliga. Si aynu arrintan isula garanno waxa lagama maarmaan noqonaysa in la kala saaro laba shay: (1) daraasaadka cilmi-afeedka ee sida gaarka ah u falanqeeya codayntiisa afka (phonology) iyo (2) waxa loo yaqaan afka alifba’diisa (alphapet).

Waa ay adagtahay in, guud ahaan af alifba’da af kasta wada koobto dhammaan codadka uu afkaasu leeyahay. Keennuna kuwaas ayuun buu la midyahay. Dooddan sugnaanteeda waxyaabaha caddaynaya waxaa ka mid ah saddexdan arrimood ee soo socda:

  1. Shibbanayaasha af Soomaaligu ma dhan yihiin?

  2. Shaqallada af Soomaaligu ma dhan yihiin?

  3. Erey lab iyo dheddigba noqda

Af Soomaaliga waxa jira codad shibbanayaal ah oo aan la qorin, ilduufna aan looga tegin. Xarfaha la qoro waa asaasi, maxaayeelay lagama maarmi karo. Tus.: ereyada dal & bal, oo ay isaga mid yihiin labada xaraf ee dambe (-al), waxaa micnahooda  kala duway labada xaraf: d & b, oo leh codad kala duwan waxayna labada erey u yeelaan macne kala duwan. Xarfaha noocan ah waxaa loo yaqaan “phoneme”.

Taa cagsigeeda waxaa jira codad si ulakac ah looga tegay, waayo, macnaha erayada waxba kama bedelayaan. Noocan waxaana loo yaqaan “allophone”. Waxaan tusaale ahaan u soo qaadanaynaa codadka p,  iyo ereyada dab & dap. Inkastoo labada xarf b & p qaab ahaan ay  kala duwanyihiin, haddana xarafka p uma yeelayo ereyga dap micne ka duwan midka dab. Sidaa awgeed xarafka p ma aha mid asaasi ah. Xarfaha kale ee la halmaalana waxaa ka mid ah: th [ð], ng [ŋ] iyo gh [ɣ].

Astaamaha xarfahan aan asaasiga ahayn waa laba arrimood:

  1. Marna uma keenaan ereyga isbeddel micne oo gaar ah;

  2. Shaqal ayaana mar walba ka horreeya, oo erey billowgiisa laguma arko.

Toddobada shibbane ee laballaabma ee la qoro, ka sokow, waxaa jira shibbanayaal kale oo laballaabma oo aan la qorin. Shibbanayaasha aan qoraal ahaan la laballaabin waa kuwa aanay waxba iska beddelin micnahooda, haddii la laballaabo iyo haddii kale, tusaale: affar afar(micnahoodu waa isku mid).  Iyadoo la raacayo xeerka dhaqaalaynta dhigaalka farta, ayaa ogaan ahaan looga tegay in qoraal ahaan la laballaabo shibbanayaasha qaar, iyagoo dhawaaq ahaan laballaabma.

Shaqallada af Soomaaliga shaqal waliba 4 cod oo kala duwan ayuu leeyahay, sidaas oo ay tahay 2 qaab uun baa la qoraa (shaqal dheer iyo shaqal gaaban). Weerta ayaana laga garan karaa in ereyga shaqalkiisu uu fududyahay ama culusyahay.

Tusaale ahaan, u fiirso shaqalka “u” iyo “uu” oo mid kastaaba labadiisa codi kala duwanyihiin:

  • 2 shaqal ee culculus: duul(ka) iyo dul(ka)

  • 2 shaqal ee fudfudud: duul(id) iyo dul(dusha)

Farta Soomaaligu waa far dhammaystiran oo si cilmiyeysan loogu jaangooyay baahida afka. In aan la qorin dhawaaq kasta oo la maqlo ma ahan qabyo, ee waa fududayn u adeegaysa afka iyo dadka adeegsanaya.

Qoraa Dayax Axmed-iley ayaa soo koobtay
HABDHIGAALKA AF SOOMAALIGA GUUD,
Cabdalla Cumar Mansuur,
2024, Muqdisho bb. 5-12