Filasho iyo fiirsi midna umaan lahay. Fallaarihii badnaa ee sida filanwaaga ah iigu dhacay ayaa fajac iyo feejignaan igu abuuray. Fogaansho iyo fiiig ayaan ka qaaday. Farta ayaan dhexda ka qaniinay. Faruuryaha ayaan ruugay oo aan fikir la foorarsaday.

Foore jacayl oo aan cidina iga fujinayn ayaa feeraha iga wareemay. Barqo kulul ayaan ka huleelay wixii aan jeclaaba waan ka fogaaday. Xusuus ayaan fakad ka ahay. Jacaylkaygii khasaray baan murugadiisii matagayay. Naftu orod bay kugu aamintaayee socdaal aanan sahan iyo sahay midna u diyaarin baan galay.

Noloshu waa maalmo is daba maraya ee muddo kooban ba waxaan galay mawjad hor leh. Sida biligta hillaaca ayuu boggaygii degay. Waxa aad mooddaa boogtaydii hore in uu dhayay. Mayee, malaha bogsiiyay! Ha i wayddiin xuduuddii iyo xanuunkii sida aan ku dhaafay, se waxaan ku baraarugay aniga oo dib u xadraynaya.

Farxaddii duushay, rejedii guurtay iyo wadnihii naafoobay ayuu wehel u noqday. Waxaad mooddaa farsamayaqaan fariid ku ah dhisidda wixii burburay! Nuur waxa uu noloshayda soo galay wakhti waayo badan leh. Dibnihii luunku ku jabsanaa baan basaastii ka rogay. Madixii fooraray baa mar kale dunida daawaday. Dhaqasho iyo tacabkii adduunka ee aan tiiriyay baan dib u toyday. 𝙄𝙡𝙖𝙬𝙨𝙝𝙞𝙮𝙤 𝙙𝙝𝙖𝙬𝙞𝙮𝙖𝙖 𝙢𝙖 𝙪𝙢𝙪𝙡 𝙗𝙖𝙖n 𝙖𝙝𝙖𝙮?!!

Maalmahaygii murugada lahaa iyo mahadhadii i soo martay waan illoobay. Degdeg iyo dabci aanan lahayn baan la soo baxay. Dibnahaygii xirnaan jiray iyo xogtii aan duugi jiray baan daaha uga qaaday. Dabayl xoog badan baan dhex galay! Dareensheegad, danayn iyo ku tookh ayaan billaabay.

Nuur noloshaydii si xawli ah oo xawaare dheer ku socda ayuu ku qabsaday. Dhaqan ahaan qof dhalan geddisan baan u muuqday. Mayee ahaaba!! Laftayda ayaa garan waayay sida aan xagashan sagaashanka ah u wareegay! Sideen ku noqday qofkan! Maxaa i baddelay ee iga dhigay ruuxan aanan weligay sawiran? Moojiye qof lamaray uun i dheh.

Waxaan noqday noole dib u dhashay. Laabtayda oo aan naxligu degin ayaa ii horseedda in aan durba ka bogsdo nabar i naafeeyay. ℎ𝑜𝑟𝑡𝑎 𝑛𝑜𝑙𝑜𝑠ℎ𝑎𝑦𝑑𝑢 𝑞𝑎𝑎𝑏𝑘𝑎𝑛 𝑚𝑎𝑥𝑎𝑦 𝑢 𝑡𝑎ℎ𝑎𝑦? 𝐷𝑜𝑜𝑛𝑖𝑠𝑡𝑎𝑦𝑑𝑎 𝑖𝑦𝑜 𝑑𝑜𝑜𝑟𝑎𝑠ℎ𝑎𝑑𝑎𝑦𝑑𝑎 𝑚𝑖𝑦𝑎𝑎𝑛 𝑞𝑎𝑙𝑑𝑎𝑎? 𝑀𝑎 𝑜𝑔𝑖 𝑠𝑒, 𝑤𝑎𝑥a 𝑎𝑎𝑛 𝑔𝑎𝑟𝑎𝑛𝑎𝑦𝑎𝑎 𝑢𝑢𝑛 𝑖𝑛 𝑢𝑢𝑠𝑎𝑛 𝑗𝑎𝑐𝑎𝑦𝑙𝑘𝑢 𝑖𝑖 𝑔𝑢𝑢𝑙𝑎𝑦𝑠𝑎𝑛. 𝐴𝑙𝑙a, 𝑚𝑎𝑙𝑎ℎ𝑎 ℎ𝑒𝑒𝑠𝑡𝑎𝑛 𝑡𝑖𝑟𝑎𝑎: “I𝑖𝑚𝑎 𝑟𝑜𝑜𝑛𝑜𝑜 𝑗𝑎𝑐𝑎𝑦𝑙 a𝑛𝑖 𝑖𝑖𝑚𝑎 𝑟𝑜𝑜𝑛𝑎.” 𝐴𝑛𝑖𝑔𝑎𝑦 𝑖𝑔𝑎 ℎ𝑎𝑑𝑙𝑎𝑦𝑠𝑎𝑎. 𝑀𝑎 𝑎𝑞𝑎𝑎𝑛𝑒 𝑛𝑎𝑓𝑡𝑎𝑦𝑑𝑎𝑛𝑒𝑒𝑦 𝑙𝑢𝑙𝑢𝑙𝑘𝑎 𝑖𝑔𝑎d𝑑𝑎𝑎.

Waxa aan dib u dawaday sooyaalkaygii nololeed ee aan guyaashii u danbeeyay soo maray. Riyo qurux badan baa ii muuqatay. In aan dhibtii ka soo doogay bay naftayda iyo wakhtiguba ii sheegeen. Nuur in uu yahay kii aan ku nasan lahaa baan hoosta ka xarriiqay. Hadda uun in aan dookhaygii helay baan isu sheegay. Saadaal iyo sawirasho qurxoon baan u diga rogtay. Daaqadahayga baraha bulshada heeso jacayl da’aya baan ku camiray.

Dhabtii muddo kooban baan dib u kabasho sameeyay. Dhoollacaddaynta, dhibrinta, dhiifoonaanta, dhegaysiga iyo dhawridda badan ee uu Nuur iigu deeqay baa wadnahayga ku nabtay. Waxaan arkay uun anoo jacayl bartanka u taagan. Talisyadii naftayda oo iga wareegay. Qanaacadda iyo qosolkuba Nuur gacantiisa ayay galeen.

Walow aanan aniguba bad qabin isaga ayaa ii soo bandhigay in uu i jecelyahay. Sida naf harraddan ama ayro geel baan u ololay codkiisa ayaan la reemay dhulkaa ila wareegay. Mar kale ila dhaqaaqay oo haddana ila xadreeyay. Sidii oo aan weligay waan ku jeclhay lay oran buu wadnuhu gugtaa i guray.

Dhidid baa i tif yiri. Ilin farxadeed baa itibix tiri sida ruux laleemo qaba bay faruhu i gariireen! Mar kale iigu celi. Ayaan ogaal la’aan iri. “Waan ku jeclahay” “Mar kale iigu celi” “Waan ku jeclahay” “Mar kale idheh” “Waan ku jeclahay macaan” ereygan caawa micnaha kale ii leh baan maqalkiisa ku miyir qaadmay.

Nuur oo malaha yaabay baa si kaftan dhable ah ii yiri: “Maxaa sidii qof oomman baad ugu dhegtaye” inta aan xishooday baan qosol yar oo malaha ha igu caddayn ah qac ka siyay weji kale u yeelay sheekadii.Habeenkaasi waxa uu ahaa habeen dib u soo nooleeyay unugyadaydii nacaybka iyo quustu xireen. Mar kale ayuu wadnahaygu billaabay in uu u gariiro habkii hilawga iyo jacaylka ahaa.

Nuur oo aan billawgiiba u sheegay dhaawiciii iyo dhibtii aan ka soo maray jacaylkaygii qabyoobay, ayaa iigu dhaarmaray in uu iga dhayidoono dhibtaas. Dhinacaygana uu joogi doono oo aanuu kolnaba i cidlayndoonin. Agtiisa waxa aan ku dareemay nabadgalyo iyo xasillooni. Marar badan ayaan u cabbriray jacaylka aan u qabo. Isna in uu ila wadaago buu ku nuuxnuuxsaday. Garabkayga in uu ahaandoono buu ii ballanqaaday.

Kalsooni dheer bay kashaydu u qaadday. Waaya-arag nimadiiba waan ka guuray. Sida gabar yar oo 15jir ah baan warkiisa u godladay una guuxay. Taagantayda iyo timaadadaydaba waan ku qorsheeyay. Muddo kaddib waa aannu is guursannay. Waxaan u sii qaaday jacayl kale. Kalsoonidii baa kor u kacday oo karaarka dhaaftay. Afkayga iyo uurkaygu waa ay midaysnaayeen.

Mudanahaygu koolkoolin, kalgacayl iyo kasmo ayuu isugu kay daray. Wuxuu kol walba dhihi jiray “Qofka ku helay ee kaa tagay, waxa uu ahaa doqon” qof adiga ku helay miyaaba kaatagi kara? Adiga camal yaaba heli kara? Ereyadaas iyo kuwo la halmaala oo malaha isaga xodxodasho ka ahaa, aniga xiskayga iyo xasuustayda bay isku xardheen. Xasillooni iyo kalsooni bay igu abuureen.

Nuur, wadka oo iga wada mooyee in aanuu i cidlaynayn baan caloosha ku guntaday. Farxad iyo kaftan miiran baan noqday. Isagii bay kaga dhegtay: “Ma sidan baad u farxad badantahay? Waad iska faraxsantahay uune!” Haa, ayaan u gu warceliyaa. Nuur ayaa noqday mishiinkayga farxadda dhaliya. In badan baan u duceeyay. Sida uu qalbigaygii dhintay u soo nooleeyay baan uga abaal hayaa. Waxaan u sheegay haddii uu is beddelo oo uu i xumeeyo in uu i dhaawacayo dhaawac weyn.

Ereyadiisa macaan. Oraahdiisa rejo beerka ah. Ballanqaadkiisa buuxa iyo naftayda oo runlow u aqoonsatay baa jacaylka igu sidigtay. Caku! Dookhu cajiibsanaa maantana ma cunug iga yar baan calmaday! Gugu waa tiro ee garaadkuu guun ka yahay. Kani in aanuu i gumaynayn baan garwaaqsaday. Naxariista uu ii muujinayo baa nugaylka igu beertay. Naftayda ka badan baan aaminay!

Habeen buu iga carooday, aniga oo raalligalinaya baan ku iri: “Macaan fadlan is deji waxa ina sugaysa nolol dheer” waydiin aan kolkii gar ila ahayn se gadaal is macnaysay buu i waydiiyay: “Kaa dhab miyaa ma rabtaa in aad nolol dheer ila qaadato?” “Haa! Maxaa dhacay see baanan u rabin?” “Haa, mayee waa uun aan ku waydiiyay. Adigu wax cabsi ah miyaad ka qabtaa jacaylkayga?”. “Maya kama qabo macaan aad baan kuugu kalsoonahay” “Anna ballan baan kuu qaadayaa in aanan waligay kaa tegayn” ayuu Nuur i yiri.

Habeenkaas sidaas baan ku kala seexannay. Aroortiina waxaan socdaal ku imid magaaladii uu joogay. Haba iman lahaydaa. Alla maqnaw lahaydaa. Araggiisa ha u soo farxin lahaydaa. Alla yaa ii diga markaan soo maqiiqnaa. Qaaq macaankii mee? Waa maxay waabaydu. Dunidii ii cammirnayd sawtan cayn wareegtay. Riyadii sawtan hortayda ku burburtay. Beerkii boholyowga la holcayay sawtan erey bir ka adag lagu jaray. Saadaashii sawtan cayn wareegtay. Sawkan dhashay ee haddana dhimashada la i horkeenay.

Dabayshii sawtan i dawikhisay. Miyirkii sawkan dawakhay. Cunid iyo cabbidba sawkan cunihii diiday. Aaaaah Alla qalbiga. Ballantii meeday? Maxaa banka i keenay? Yaan eersadaa ma naftayda doqonta ah ee kalsoonida iyo jacaylka degdegga ah bixisay? Ma Nuurka i beer qaaday? Ma duruufta uu ii sheegayo? Ma aqaan cidda wax i yeeshay se wadnuhu wuu i dhiigayaa. Shalay, maantadii aan is lahaa way dhaantaa ayaa kaba darnaatay. Xanuunkayga ma ogi in uu i dareemayo ee is araggayaga daqiiqado kaddib waxa uu gooyay xiriirkii.

Warqaddaydii baa wadnaha i goysay. Maxaan sameeyaa? Wareeray oo walbahaaray. Shakiyay oo shaydaanku ii sheekee. Alla bogga iyo beerka. Muxuu iigu yeeray? Goob ceebeedkan maxaa i keenay? Caku magaaladan ma xiriir burburkaygaa loogu daw galay? Duruuftu xalayba way jirtaye maxaa maanta nugleeyay? Si aad u gobayso miyaad ii gumaysay aniga.

Waxa aan eedaa oo aan dhibbane u ahay qalbigayga daacadda ah. Naftayda aan khiyaaliga aqoon. Beenta neceb dadkana aan sharaysan ee ballamahooda aaminta. Duni dhagaxawday baan baraf ku dhex ahay. Waxa aan tigidh u soo goostay filin dhammaaday! Maxaan u eedaa aminkayga? Dad jilayaal ah maxaan ula jaan qaadaa? Marka aan dhawaysto, dhawrto een dhab isugu dhiibo maxay ii dhaawacaan?

Maalmahaygii waxa aan ku qaatay dib u daawashada xusuusihii ii duubmay. Markaan daalaba wada sheekaysigayagii baan ku noqdaa. Waxa aan is wayddiiyaa carrabkii ereyadaas oranjiray. Dareenkii anoo aamusan i garan jiray baan u ilmeeyaa. Miskiin in aan ahay baad i bartay. Waxa aanan ilaa hadda garanayn barashadeennii u jeedadii aad ka lahayd. Kollay qorshe qarsoon ayaa jiray.

Anigu daacad baan kuu jeclaaday adiguse maya matal ayaad miyirkayga ku qabsatay. Aan kuu qiro in aad tahay qof cilmiyo badan oo saamayn kara ruux. Is jeclaysiin kara oo farsamo yaqaan ah. Waxaan ku dilini way ku adkeeyaan e toloow maan adkaan? Danbi weyn ayaad iga gashay. Gacan ku dhiigluhu ma aha kan nafta gooya uun. Wadnahaad iga toogatay, waxa aad iga dhigtay qof aan dhimanna noolayn. Dhacdooyin hore baan soo xasuustay. Naftayda ayaan haaraamay, hiifay oo aan huruufay.

Marmarsiyaha uu Nuur iisheegay nabarba ha igu ahaadii billawgii aad baan u soo dhaweeyay. Waxa aan u arkay arrin aan jacaylkayga ku beddelankaro. Aan qalbi jabo se qiimo ayay dhankayga uga sii kordhisay. Mar kale ayuu dhalanteed igu indha sarcaadiyay. Wixii aan shaqsiyad wanaagga moodayay illeen waxa ay ahayd uun been la dhoobdhoobay.

Soomaalidu waxa ay tiraahdaa: “Sagaaro xaar muuqmuuqda ayay aasaastaaye” waxa hortayda ka beryay waa cusub. Beentii iyo dhalanteedkii baan dhab u arkay. Wixii la igu dhaawacay in aanay waxba ka jirin baan dhab u daawaday. Shalay haddii dhacdadaasi qiimo agtayda ugu kordhisay maanta qiimo beel ayaa ku dhacay. Haddaan waayiddiisa u ilmeeyay maanta tegiddiisa ayaan Alle ku mahadiyay.

Qof aan ii qalmin in aan qalbigayga siinayay baan qun u ogaaday. Wixii la ii sheegayayba awr ku kacsi in ay ahaayeen baan bartay. Waxaan kolba xasuustaa ereyadii xiisaha iyo jacaylka lahaa ee uu igu haasaawin jiray. Oraahdii Carbeed ee oran jirtay: “Wax kasta oo dhalaalaa dahab maaha” ayaan dhab u garwaaqsaday.

Allaylehe naftaydii loolida saarnayd baa miyirsatay. Waxaan garawsaday dhaawicii aan ahaa inuu i indhatiray oo aan xiriir iyo guur galay anigoon bogsan. Naf la caarigu inuu ii geeyay nin xun anna aanan danbigaas ka eed la’ayn baan yaqiinsaday. Runtii aan ogaaday baa tamartii luntay ii soo celisay. Ninkii aan uu waalanayay baan shaydaankii isha casaa ka necbaaday. Qof aanan aqoon inaan jeclaaday baan gartay.

Galab ayaan meel si kadis ah ugu kulannay. Doqon in uuyahay iyo in xusuus guur kudhacay oo uu garasha beelay mooyiye waxa uu doonayaa in aan sidii darraad u ahaado! Wuxuu dayriyay buu dib iiga raadiyaa. Xodxodasho iyo xuuraamin buu igu billaabay. “Maxaa ku helay? Waan ku waayay e” “Abboowe aniga layma waayin ee waan joogay” “Sidaas miyaad igu illawday? Haddii calafkii dhammaaday miyaynaan soo wada ceeshin?” “Weligay kuma illaawi doono oo waxa aad i bartay baanan waligay maanka ka saari karin”

“Maxaan ku baray?” “Wax badan ayaad i bartay. Waxaad i bartay in aanay dhoollacaddayn kastaa farxad ahayn. Waxaad i bartay in aan qorshahaaga loo beddelin qof aad jeceshahay dartii oo qorshahaygii aan aawadaa u beddelay qoomamo ayaan ka joogaa. Waxaad i bartay in aan ballanqaad walba oo laguu qaado laguu fulin doonin oo kan qaadayaba markaas uu ballanta qaaday uun ugu danbayso. Waxaad i bartay wanaag walba oo billawga laguu muujiyaa in uusan saxdii ahayn. Waxaad i bartay in aaminaadda badan een dadka aaminaa igu tahay qalad.

Mahadsanid cashar ayaad dunidii aan anigu kaagaga soo horreeyay iga bartay. Waxaad i bartay in ay dadka qaybtood laba carrab leeyihiin. Waxaad i bartay in xilliyada adag qofkii ku dagaalgaliyay uu dagaalka kaagaga bixi karo oo xeeladda iyo xooggu lagama maarmaan ii tahay. Mahadsanid waxaad muddo kooban igu bartay wax aanan sannaddo ku barteen. Mahadanid waxaad i bartay dhadhanka ay leedahay baahida dadka loo qaadaa. Waxaad i bartay in ay lagama maarmaan tahay in aad waanada dadka wax ku qaadato waxkasta oo la sheegana wax uun ka jiri karaan. Waaya-aragnimada qof, qof kaaga horreeyayna aan la dayicin.

Waxaad i bartay in dadka qaarkood jilayaal aad u farsamo badan ay yihiin. Waxaad i bartay in aan xiriir, xiriir lagaga bogsan. Waxaad i bartay in qofku noqon karo qof kale! Waxaad i bartawaxaay inaad tahay dakadda beentu ka soo degto. Waxaad i bartay inaan nin xanuunsan naf ka deyay! Qof isagiiba is la’a oo aan is aqoon kolba sawir maskaxeed u jeclaystay isu haysta baad tahay.

Xilli iyo xaalad adag baad garabkayga ka baxday. Xarig aadan ii furi doonin baad ii xirtay. Waase igu baga oo anaa guuray geeddi aanan u sahaminin! Kollay anaan kaadsan oo degdegay. Ma ahayn xuduudahayga aan degdegga u jabiyay in aan furo.” Isagoo yulqamaya baan ka dhawqaaqay, maxaa yeelay waan ka daalay beentiisa iyo beerlaxawsigiisa. Waxaan ogahay in wuxuu sheego magiciisa uun uu run ka yahay!

Waxaan go’aansaday inaan naftayd maalgeliyo oo aan ogaalkayga iyo aqoontayda dhiso. Akhrinta sheekooyinka oo ii ahayd kolkii hore waxan isku dhayo baa ii noqotay balwad ee galab baan u imid saaxiibadday Xayaa oo ahayd qoraa aan sheekooyinkeeda jeclahay, buug baallo guduudan oo iila eg ku ay Seynab Ugbaad qortay baan ka qaaday “GELINBA CAYN” Haddii aad qaadikarto dareenka aan dibnaha uun ku ekayn, haddii aad tahay xariif dersa oo dareema baahida gudaha ka timaadda, haddii aad fahmi karto fiicnaanta afka laga sheegtaa in ay mararka qaar tahay hal bacaad lagu lisay oo runtu dhafoorka ku taallo, intaad ii soo dhowaato ayaad igu dhegi lahayd, intaad i dareerto ayaad isku kay duubi lahayd.

Waayaha i hiigays ayaad hiil iiga noqonlahayd. Hadalka uurkayga sida hirarka u hughug leh baad hubanti dhegaysanlahayd. Dhakadayda qiiiqaysa baad dhunkasho ku dhayi lahayd, waxaad yeeli lahaydba is dhagoolayn ayaad wax ku dhigtay. Dhanbaalkan oo canaan iyo cabsho uu u kala saariwaayay ayaa taleefankiisa ku soo dhacay. Sidii caadadu ahayd isagoo aan dhoohanayn se is dhaafinaya buu moobilkiisa dhinac u tuuray oo hawlihiisa u dhaqaaqay. Iyana iyadoo garawsan in dhibaatada aan ku dilini ku adkayso kana sarriiganaysa inay dareen barido ayay dibneheeda xiratay.”

Markaan intaas buuggii ka akhriyay baan baalasha ullaabay, anoo weli ka fikirayaa sidaan labadaas ugu garqaadi lahaa!! Yaase i geliyay hawshaas oo garsoorba iiga fadhiya!! Anigoo sidii u fikirsan uun baan ku war helay, cod xabeeb leh oo si aad heersare ah u akhrinaya sadarro farxankoodu sarreeyo! Halhaleel baan dhankayga bidix u jalleecay mie waa Xayaad oo malaha xalladda qoraalku illawsiisay inay hoos u akhrido: “Mar bay is diidaan” Sideedaba dhadhanka noloshu maaha dhacdooyinka kugu xeeran ee waa dareenkaagu hadba siduu yahay. Mar bay is diidaan dunida dadku kugula noolyihiin iyo taada kuu dahsooni.

Markasta waxaa awood badan oo adiga wax kaaga dhigan taada aad ku jirto. Qolka afarta mitir ah ee daaqaddu haafka furatahay wuxuu u egyahay caalamkayga gudaha. Aniga iyo qolkuba waxaannu wadaagnaa cidlada, mugdiga, xirnaanta iyo sanqar la’aanta. Waxaa dhegahayga ku soo dhacaya dhibcaha roobka oo aad mooddo dunida bannaanka ah inay xarrago garaacayaan! Saxansaxada iyo neecawda qabaw ee daaqadda ka soo gelayaa ruux kale wuu u riyaaqi lahaa aniga se waxba igu biirinmayaan. Iyaguna qolka diiqad intay ku dareemaan bay dibadda isu daruurayaan! Iyagaas didaya iyo aniga aan dareemayn amaba doonayn kaayagee gardaran? Kii doonaaba ha gardarnaadee waxaan ogahay in aanaan isku af ku hadlayn.

Dunidu waxay ku raaxaysanaysaa jawiga qabawga, quruxda iyo udgoonka isu bahaystay ee abaartii iyo kulaylkii ilbiriqsiga dabarjaray. Malahayga balanbaallistu waa xilligay xariir dawaafi jirtay ee jabaqda iyo jirriqaaqu isu jiibin jireen jaanta. Dhawaaqa shinbiraha, dhawda raha iyo caleenta dharabku buuxaa waxay dhaygag gelisaa ruuxa dhugashada leh ee dhirta & dabeecaddu dejiso kolna xantayso. Maanta waa kolkuu hal-abuurka tixdu heesaha tirin jiray, farshaxanku sawir lala ashqaraaro xardhi jiray, qalinshaxanku qisooyin la quuto qori jiray. Afshaxankuna mahadho maahmaaho noqda marin jiray!!

Naftaydan se soomal haadsani iyadu baddaas kuma jirto oo barkinteeda ayay isu gacalo ooyayaan. I lleen mar bay is diidaan dabeecadda dunida iyo duruufta ruuxu. Haddii aan hore ugu dhololi jiray roobka iyo daawashadiisa maanta dan iyo heello kama lihi oo dunidayda waxaan joogin daruur dayaxaygiina wuu durkay.” Farriintan kolkii ay buug ka akhriday ayay daawaaho ugu dhaqaaqday dunida bannaanka iyo teeda, welina way ku maqantahay’” Xayaad oo sii kacaysa oo aad mooddid inay cirka sallaan u sii fuulayso, baan ka daba dhawaaqay se dheg jalaq iimay siinin.

Dhammaad

Dayax Axmed-iley

16 Sebtembar

Muqdisho, Soomaaliya