Heesuhu waa jaad-suugaaneed ka mid ah haltirinnada maansadu dallaamiso halbeegga magac-tusmayntooda. Waa jaad-tixeed mug iyo miisaan leh oo la majeerto dhuuxa murtidooda. Heesuhu waxay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah: hees hiddeed iyo hees casri ah. Haddaba, qormadeennan gaaban waxaan ku eegi doonnaa heesaha casriga ah. Innagoo si gaar ah ugu faaqidi doona qaabdhismeedkooda, xeerarka gundhigga u ah halcurintooda, jaad-tixeedyada ay ka soohmi karaan iyo kuwa aanay ka samaysmi karin ikk. Marka hore aan yare iftiiminno curashadii heesaha casriga ah iyo marxaladihii ay soo mareen tisqaadkooda.
Curashadii heesaha Casriga ah
Soo ifbixii heesaha casriga ah, inkastoo taariikh sugan aan loo hayn geyigeenna goortii ay ka bilowdeen, haddana waxaan muran ka joogin sannadihii afartannaadkii inay ku beegan tahay curashadooda. Awal-bilowgoodii waxaa loo tiriyaa inuu lahaa Cabdi Sinimoo. Waxaa la weriyaa inuu Cabdi Sinimoo oo gaari uu wade ka yahay kaga jabay meel Boorame iyo Jabuuti u dhexeysa oo geerigo’an ah. Kolkii uu cillad bixin waayay gaariga, cid ku dhaantana ay wadada ku soo mari weyday ayay noqotay inuu cidlaciirsi li’idaa dhowr habeen ku negaado. Markay cidladii ka badatay si uu isu madadaaliyo ayuu laacay tenneg agtiisa yaallay oo uu faraha ku garaacay waxaa ka soo baxay cod habdhac wanaagsan leh. Markaas buu qaaday meerisyo cabasho ah oo xaaladdii uu ku sugnaa ku calaacalay, wuxuu yiri: Balwooy balwooy hooy balwooy. Waxaa i baleeyay baabuurreey. Balwooy balwooy hooy balwooy. Waxaa i beleeyey baabuureey.
Isagu way ku dhaafaysaa isma uu lahayn, waxayse noqotay hab hor leh oo islamarkiiba loo bogay. Dhallinyaradii baa inta la booday magaalooyinkii ku fidisay. Muddo gaaban kaddib balwadii waxay isu rogtay heello oo xagga miraha iyo miisaankaba balwada kala mid ah. Heelladii baa ka sii macaanaatay balwadii oo si weyn bulshadii ay uga daba-dhacday gaar ahaan dhallinyarada oo kaba xiisa goyn weyday. Xiisahaas saa’idka ah ee ay heelladu yeelatay waxaa sabab u ahaa, waa iyadoo nasiib u yeelatay soo ifbaxeedii inay la kowsato dhallinyaro Soomaaliyeed oo reer Cadmeed ahaa oo dalka dib ugu soo noqotay gaar ahaan dhanka waqooyiga.
Dhallinyaradaas oo taqaannay sida miyuusikada loo tumo sida: kabanka, tumbugga iyo turunbada foorida ay caanka ku tahay heelladu teeriyo maantadan in lagu qaado luuqdeeda ikk.
Dhallinyaradaas ayaa si cilmiyaysan oo farshaxannimo faneed ku dheehan tahay u qaabeeyay heelladii tisqaadkeeda. Iyagoo ku heemaaliyay miyuusig kala jaad jaad ah iyo codad kala duduwanna ku laray oo soo jiidasho leh. Taas ayaana keentay in si weyn loo wada jeclaysto dhegaysigeeda. Heelladii baa tarantay oo yeelatay magacyo kala duduwan oo lagu kala aqoonsado jaadadka ku luuqaynteeda. Heellooyinkii tisqaaday haddaan qaar ka xusno magacyadooda, waxaa ka mid ahaa:
Jowhara luula, Subcis, Raaxeeye, Ila dheel, Beerdillaacshe, Jiib, ikk. Ujeedda ahaan heelladu jacayl oo qura ayay kaga hadli jireen hal-abuurradii curin jiray. Taasina waxay sababtay in mararka qaarkood wadajirkooda loogu yeero: Qaraami ama qaraam oo afka Carabiga jacayl ku ah. Muddo gaaban kaddib heelladii waxay u xuub-siibatay heesaha casriga ah ee aynnu maanta naqaanno oo ay dhegtu u jeesho dhegaysigooda.
Jaadad-tixeedyada ay Heesaha Casriga ahi ka Soohmaan
Badanaaba haltirinnada maansada kulmiso marka gabayga iyo buraanburka laga reebo inta kale ee soo hartay sida: geeraarka, masafada, jiiftada, saarka, dhaantada, wiglada, shiribka iwm, way ka soohmi karaan heesuhu. Maadaama jaadadkan haltirineed ay beyd gaab ku tixoobaan halbeeggooda maanseed ku salayntooda heesaha waxay buuxinayaan dhammaan shuruudaha heesta looga baahan yahay codaynteeda. Balse, gabayga iyo buraanburka waxaa looga maagaa ku salayntooda heesta waa iyagoo ku maansooba tixayntooda beyddheer.
Sidaa daraadeed, way adag tahay in hees ahaan loo codeeyo meerisyadooda. Tusaale ahaan buraanburka iyo gabayga tuducyadooda oo dhaadheer ayaa caqabad keenaysa hees ka dhigidooda,
haddii la qasbana heesta ka soo baxdaa wax dhadhan iyo xiiso ah ma yeelanayso ku luuqaynteeda.
Qaabdhismeedka Heesaha loo Falkiyo.
Hal-abuurka heesaha casriga ah hababka kala duwan ee loo falkiyo qaabdhismeedkooda, labo jaad ayaan ku soo ururin karnaa oo kala ah:
-
Hees isku furan ah.
-
Hees beydadlay ah.