Maanso: Waa magac kooba guud ahaan jaadadka Tixdu ay u kala baxdo. Si kale haddaan u dhigo Maanso: waa magac dallaalimeeya haltirin waliba oo ku sifowda tix halbeeggeeda jaad kastoo loo falkiyaba meeriseynteeda. Halkaa waxaan ka fahmeynaa in ay Tixdu qaabab kala duwan u soohanto. Markaaan u kuurgalno guud ahaan haltirinnada Tixda, hababka kala duwan ee ay soohmaan, waxaan ku soo ururin karnaa laba bahood oo kala ah:
Beyd dheerta maansada.
• Beyd gaabta maansada.

Beyd-dheerta Maansada.
Qaab-dhismeedka haltirinnada beyd dheerta maansada, waxay ku tixoobaan meeris dheere, oo uu micnaheedu yahay: haltirin waliba oo ku maansowda beyd dheer dhammaan tuducyadeeda, waxaa looga baahan yahay in laga helo; tuduc waliba dhexdiisa: laba eray oo ka bilowda xarafraaca ay ku tixeysan tahay. Haddii laga wada helo taxa tuducyadeeda laba eray oo xaraf raaceeda ah, waxay ku sifoobeysaa tixoobideeda beyd dheerta maansada. Haddiise, laga waayo waxaa caddaaneysa in aaney beyd dheer aheyn. Haltirinnada beyd dheerta maansada waxay kala yihiin:
1. Gabay.
2. Guuroow.
3. Buraanbur.

Beyd-gaabta Maansada.
Guud ahaan jaadad-tixeedyada ku aroora beyd-gaabta maansada. Waxay ku tixoobaan falkadooda meeris yare. Oo loola jeedo: haltirin waliba oo beyd gaab ahi waa in laga helaa dhammaan tuducyadeeda; mid waliba ka mid ah: hal eray oo ka bilowda xarafraaca ay meersan tahay. Haddii laga wada helo taxa tuducyadeeda hal eray xarafraaceeda ah waa sidii laga rabey beyd gaabnideeda maanseed. Haddiise, laga waayo iska daa beyd gaab ay noqotee waxay ka baxeysaa seerihii ay ku tixoobi laheyd. Haltirinnada beyd-gaabta maansada waxaa ka mid ah.
1. Geeraarka.
2. Masafada.
3. Jiiftada.
4. Saarka.
5. Shiribka.
6. Surowga.
7. Wiglada
8. Heesaha casriga ah iyokuwa kale.

Haddaba, si aan u kala baranno qaabdhismeedka haltirinnada beyd dheerta ah iyo kuwa beyd gaabta ah maansoobidooda. Bah waliba min hal jaad-tixeed tusaale aan u soo qaadanno oo aan ku kala garanno haltirinnada labadaa bahood, beyd dheeraantooda iyo beyd gaabnidooda maanseed. Haddaan ku hormaro haltirinnada beyd dheerta maansada. Bal aan tusaale u soo qaadanno jaad-tixeedka gabayga oo faaqidno halbeegga uu ku maansoobo, si aan uga shidaal qaadano aqoonsiga inta kale meeriseynta beyd dheeraantooda.

Halbeegga Gabaygu ku Maansoobo Falkadiisa.
Inta aynnaan u gelin faaqidaada gabayga qaabdhismeedka falkadiisa. Waxaa xusid mudan tix la mariyaaba ma ahan gabay. Haddaaney buuxin shuruudaha looga baahan yahay gabayga ee uu ku maansoobo halbeeggiisa sida: Laba dhaca xarafraaca erayeedee madhaafaanka u ah tuducyadiisa in lagu sooho ama seddax dhaca heemaaliya sargooyadiisa. Micnaha laba dhaca ama seddax dhaca gabayga waxay tahay. Tuduc waliba oo ka mid ah gabayga taxankiisa: Waa in laga helaa dhexdeeda: laba eray oo ka bilowda xarafraaca uu ku meersan yahay. Seddax dhacunna waa seddax eray ku soohida qaar ka mid ah tuducyadiisa oo bila aftahamada farshaxnimadiisa. Bal u fiirso tusaalaha gabayga soo socda, qaddarka tuducyada aan ka soo qaatey. Laba dhaca ama seddax dhaca xarafraaca erayeed ee ay ku soohan yihiin.

Min daroof leh, aqal daahyo weyn, dadab la heedaamey.
Dermo iyo furaash leys dul dhigey, daallan iyo googgo.
Anigoo waxaan doonaayaba, derejadey heysta.
Iyo duni wixii nagaga lumey, dararkii ceeldheere.
Dab wax gubi dayuurado kufrigu, nagu dul gowdiidshey.
Dunbuq sumuc ah degelkaan ka kacey, dahab wixii yiilley. 

Daqal jabey wixii daar burburey, ama bukhaar duugmey. Sayid Maxamed.

Toddobadaa tuduc ee aan tusaalaha u soo qaatey. Haddaad u fiirsato erayada madmadoobeysan ee ku jira. Waxay ka wada bilowdaan xarafka {Da}. Taa awgeeda, xaraf raaca maanseed ee gabaygu waa {Deel}. Toddobadaa tuduc haddaad mid mid ugu fiirsato, waxaad ogaaneysaa laba tuduc mooyee inta kale iney seddax eray ku soohan yihiin.

Laba dhacaTuducyada Gabayga.

Laba dhaca tuducyada gabayga {laba eray ku soohida xarafraaciisa}. Waa halbeegga uu gabaygu ku maansoobo. Sidaa darteeda, waa qasab in gabayga lagu sooho dhammaan tuducyadiisa: laba eray oo ka kaca hadba xarafraaca uu ku tixeysan yahay. Haddiise, laba dhac xarafraac erayeed ah laga waayo, markaa wuxuu ka baxayaa seerihii uu gabay ku noqon lahaa halbeeggiisa. Haddiise qaar laga helo, qaarna laga waayo wuxuu ku sifoobayaa deelqaaf oo ah: Gabey kala dhextaallan.

Fiiro gaar ah: Laba dhaca tuducyada gabayga: waa laba hakasho coded timaada akhrintiisa oo keenta laba eray ku soohnaantiisa.

Seddax dhaca Tuducyada Gabayga.
Seddax dhaca tuducyada gabayga {seddax eray ku soohida xarafraaciisa} qasab kuma aha maanseeyaha inuu ku saleeyo tuducyada gabaygiisa. Maadaama gabaygu uu ku maansoobo: laba dhac xarafraac erayeed ah. Balse, seddax dhac ku soohida qaar ka mid ah tuducyadiisa, waxay heemaalisaa gabayga habdhaca sargooyadiisa. Weyna dhumuc cusleysaa xogtebintiisa. Taa awgeeda, ayuu gabyaa waliba ugu xishaa inuu ku badiyo seddax eray ku soohida tuducyada gabaygiisa. Maxaa yeeley, gabay waliba gabayga uu ka seddax dhac badan yahay ayuu ka farshaxnimo qurxoonaadaa, kana miisaan-cuslaataa macna gudbintiisu.

Fiiro gaar ah: Seddax dhaca tuducyada gabayga iyana waa seddax hakasho codeed timaada akhrintiisa oo keenta seddax eray ku soohnaantiisa.
Isku soo wada xooriyoo, dhammaan haltirinnada beyd dheerta maansada ku aroora. Waxaa looga baahan yahay dhammaan tuducyadooda in lagu saleeyo, laba dhac xaraf raac erayeed ah. Sida gabayga oo kale ayay u dhismaan. Waxaana tusaale innoogu filan qaddarka tuducyada gabayga aan kor ku soo faaqidney beyd dheeraanta uu ku maansoobo halbeeggiisa.

Beyd-gaabta Maansada:
Sidaaan kor ku soo xusneyba dhammaan jaadad-tixeedyada beyd gaabta maansada ku abtirsada falkadooda. Waxay ku tixoobaan hal dhac xarafraac erayeed ah; oo loo jeedo: Meeris waliba oo ka mid ah Tixda beyd gaabta ahi taxankeeda: waa in laga helaa; hal eray oo ka bilowda xarafraaca ay ku meersan tahay. Haddii laga waayo hal dhac xarafraac erayeed ah markaa waxay ka baxeysaa seerihi ay tixoobi laheyd halbeegga maansoobideeda. Haddii qaar laga helo, qaarna laga waayo waxay ku sifoobeysaa deelqaaf oo ah tix jaban. Bal u fiirsada geeraarka soo socda meerisyada aan ka soo qaatey.
Rag dareen kala gaadhayoo.
Digniin loo kala geeyoo.
Ninba dooxane dheeriyo.
Magli daabka madowiyo.
Intuu daabac afeystey.
Dabci haatan wareemey.

Lixdaa meeris ee aan tusaalaha u soo qaatey. Haddaad u fiirsato erayada madoobeysan ee ku jira, isku xaraf ayay ka wada bilowdaan.Taa awgeeda, xarafraaca geeraarku waa {Deel}. Sidaasoo kale, ayaa looga baahan yahay dhammaan jaadad-tixeedyada kale ee beyd gaabta maansada ku abtirsada in lagu saleeyo hal dhac xarafraaca erayeed ah ayay ku tixoobaan halbeegga maansoobidooda.

Waxaa Qorey
Macallin C/llaahi Shiikh Cabdi Aadan {Gacanka}