Guddoomiyaha Haweenka G/Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa mar kale ku baaqday in si deg-deg ah loo dhiso xaruntii Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ee magaalada Muqdisho.

Marwo Jawaahir Baarqab oo marar kala duwan ka hadlaysay munaasabaddo looga hadlayay horumarinta afka Soomaaliga ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in si dhaqso leh loogu hawlgalo sidii ay Akadeemiyada AGA u heli laheyd xaruntii loo dhagax dhigay ee G/Banaadir.

“Wax la aqbali karo ma aha in Akadeemiye-Goboleedka AfSoomalaiga aan wali loo dhisin xaruntii ay dhagax dhigeen Madaxweynaha  Jabuuti Md, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh” ayay tiri  Jawaahir Baarqab oo iftiimisay in daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga uu  cid walba dusha ka saaran yahay.

Guddoomiyaha haweenka G/Banaadir ayaa ku cel-celisay inay ka go’an tahay sidii ay horseed uga noqon laheyd qaabkii loo yagleeli lahaa xaruntii Akdeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee magaalada Muqdisho.