Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo toddobaadkan ku sugan magaalada Garoowe ayaa fagaare kula hadlay ardayda dugsiyada sare ee magaalo-madaxda Puntland, Garoowe.
Ugu horrayn mudane Cabdi Daahir oo ah Maamulaha Dugsiga Sare Al-xikma, oo ahaa Mamulaha madasha kulanku ka dhacay, ayaa hadalka ku furay soo dhawayn diirran oo uu ku soo dhaweeyey Dr. Afrax iyo wafdiga uu hoggaaminayey. Maamuluhu wuxuu tibaaxay qiimaha afka hooyo; wuuuna u mahad-celiyey Guddoomiyaha AGA, asagoo aad u bogaadiyey kaalinta hormuudnimo ee Dr. Afrax iyo AGA ay kaga jiraan ilaalinta iyo horumarinta Afka hooyo.
Wasiirkii hore ee Dowlad-wanaagga Puntland, Md. Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo horkacayey Wafdiga Dr. Afrax ayaa asna halkaas ka soo jeediyey erayo uu uga warramayo taariikhda iyo halgankii dheeraa ee Dr. Afrax ee muddada dheer ugu soo jirey horumarinta dalkiisa iyo hiilka afkiisa hooyo. Wuxuuna tusaalooyin u soo qaatay buugaagtii uu qoray iyo ururradii kala duwanaa ee uu soo hoggaamiyey.
Intaas kadib waxaa cod-dheereeyaha lagu soo dhaweeyey Dr. Maxamed Daahir Afrax oo halkaas ka jeediyey khudbad dheer oo uu cashar lama-illaawaan ah ku siinayey ardaydii boqollaalka kor u dhaafeysey ee madashaas soo cammirtay. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday qiimaha aqoonta iyo qiimaha afka hooyo oo uu ku tilmaamay furaha aqoonta iyo horumarka.
“Afaf qalaad waa la baran karaa waana loo baahan yahay in la barto, hase yeeshee aqoonta dhabta ah, qotada dheer, mira-dhalka ah, ku salaysan nolosha dalka iyo dadka waa midda aad ku barato afkaaga hooyo” ayuu yiri Dr. Afrax.
Waxa uu uga sheekeeyay hayaankii uu soo maray afka Soomaaliga, sidii loo hirgeliyay ololaha waxbarista reer miyiga, caqabadaha afka hooyo soo food-saaray iyo hiilka uu Afka hooyo uga baahan yahay xarumaha waxbarashada.
Ugu dambayn Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa dhigay kaydka dugsigaas qaar ka mid ah buugaagtiisa, asaga oo ku saxiixay magaca dugsigaas, si jiilba-jiil uga dhaxlo.
WD. Qalbitaajir















