Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa si diirran u soo dhaweysay dadaalka ay shirkadaha ganacsiga ugu jiraan ka qeyb-qaadashada adeegsiga iyo nooleynta afka Soomaaliga.
Maamulka Akadeemiyada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in shirkadda Golis oo ka mid ah shirkadaha Soomaaliyeed inay bilowdo sidii ay imtixaanka shirkadooda ay ugu qaadi laheyd afka hooyo, iyada oo dhawaan imtixaan ay qaadaysay shirkadaasi lagu galay afka hooyo, halkii horey imtixaanada noocaasi oo kale ah lagu qaadi jirey afafka Carabiga ama Englishka.
Horey ayaa dhawr jeer shirkadaha ganacsiga loogu boorriyay inay ka qeyb-qaataan nooleynta, daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, iyaga oo loogu yeeray boorrarkoda ganacsiga inay ku qoraan afka hooyo.















