HAMBALYO: MAALINTA MACALLINKA SOOMAALIYEEDMadaxda sare ee Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga iyo dhammaan shaqaalaheeduba waxa ay hambalyo ku aaddan Maalinta Macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka Nofembar u dirayaan dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed iyo xaasaskooda; kuwaasi oo iskugu jira diini iyo maaddiba.
Annaga oo og duruufaha ay ku soo shaqeeyeen macallimiinta Soomaaliyeed iyo kaalinta nafhurnimada ah ee ay ka gaysteen barbaarinta iyo ifinta mustaqbalka jiilal badan oo soo u soo baxay dalka waxa aan Eebbe uga baryaynaa in uu siiyo beddel wanaagsan Adduun iyo Aakhiraba.
Waxaan ku dhiirrigelinaynaa shaqada ay hayaan iyo dhisidda mustaqbalka wanaagsan ee ubadka Soomaaliyeed.














