Tartan la xiriira dhinaca gabayada Soomaaliyeed, uuna soo qaban-qaabiyay Hoyga Maansada Soomaaliyeed ayaa shalay oo ku beegneyd 21/0/2021, waxaa uu si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii furitaanka tartankaasi ayaa waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin ka socotay hoyga maansada, madaxda golaha abwaannada, aqoonyahanno, ehelada afka, dhaqanka iyo suugaanta, haweenka qaranka iyo iyo marti sharaf kale.

 Abwaan Cismaan C/llaahi Guure oo furitaankii munaasabaddaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta tartankaasi loo qabtay, waxaana uu sheegay ujeedada tartankaasi loo qabatay in ay la xiriirto sidii loo soo nooleyn lahaa suugaantii Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in tartankaasi lagu soo saari doono dad badan oo hibadooda qarsoon tahay.

Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux Maxamed, aqoonyahan Prof. Ibraahim Bursaliid iyo Abshiro Axmed oo ka socotay ururka Haweenka Qaranka oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada ay suugaantu leedahay, waxayna qireen suugaantu in ay tahay aaladda kaliya ee afkaiyo dhaqanka lagu kaydiyo, iyaga oo u mahad-naqay hoyga maansada  oo isku soo duway tartankaasi.

Mahaa Abuu-samra oo ku hadlaysay magaca Hoyga Maansada ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay caawinta bahda suugaanta Soomaaliyeed, iyada oo balanqaaday in ay wax badan ku soo kordhin doonaan suugaanta Soomaaliyeed.