Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo shalay oo ku beegneyd 27/9/2021 ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Innaa lillaahi wa Innaa Ileyhi raajicuun. Waxa aan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdi Muriidi Dheere oo ahaa Jilaa iyo majaajilayste weyn oo soo saari jiray barnaamijyo lagu kobcinayo wacyiga ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta AGA.

Akadeemiyada AGA ayaa Marxuumka Alle uga baridey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Marxuum Ajakis ayaa ahaa jilaa, majaajilayste iyo Barnaamij soo saare qeyb weyn ka soo qaatay nabadaynta iyo horumarka dalkeenna, isaga oo ummadda Soomaaliyeed u soo gudbin jiray sheekooyin faneed iyo barnaamijyo maan-dhis iyo madadaalo ah oo ka turjumaya jiheynta iyo wacyigelinta bulshada, si looga gudbo caqabadaha iyo dhibaatooyinka nololeed ee bulshadeenna.