Tartan cusub oo ku saabsan dhanka Akhriska, ayna si wadajir ah u soo qaban-qaabiyeen Naadiga Somali Pen, laanta Muqdisho iyo Jaamacadda Green Hope ayaa maanta oo ku beegan 23/9/2021, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Munaasabaddii tartankaasi ayaa ugu horeyntii waxaa ka hadlay Guddoomiyaha jaamacadda Green Hope Prof. Tooxoow oo ku dheeraaday muhiimadda uu leeyahay wax-akhriska, waxaana uu caddeeyay qofba qofka uu ka wax akhris badan yahay in uu ka hodonsan yahay, isaga oo bulshada u soo jeediyay in ay dabeecad ka dhigtaan akhriska iyo qoraalka.
Sidoo kale, waxaa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka naadiga Somali Pen Axmed Maxamed Dhicisoow oo faahfaahin ka bixiyay ujeedka ay tartankaas u qabatay Somali Pen, waxaana uu iftiimiyay in tartankaas looga gol leeyahay kor u qaadista iyo dhiirrigelinta akhriska, si loo abuuro dhaqan ku saabsan dhanka wax-akhriska.
Hadal jeedintaasi kadib, waxaa halkaasi ka bilowday tartankii la xiriiray dhanka akhriska, waxaa ka qeyb-galay dhawr dhallinyaro ah, kuwaasi oo ku loolamayay dhanka wax akhriska.
Tartan adag kadib, waxaa kaalinta 1-aad ee loolankaasi ku guulaystay Maxamed Ibraahim Faarax, kaalinta labaadna waxaa galay Mahad Maxamuud Cabdullaahi, halka uu kaalinta saddexaadna uu galay Rijaal Maxamed-nuur Maxamed.
Guulaystayaashii tartankaasi ayaa la guddoonsiiyay buuggii ay ku tartamayeen ee ahaa sheeka-faneedda Maana-Faay iyo buugaag kale oo ay guulaystayaasha ugu deeqday Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA).