Buugga looga wanqalay Xikmadda Nolosha waa buug cajaa’ib badan oo aan marnaba akhriskiisa laga xiiso dhaceyn, mowduucyo xul ah  ayuu   akhriste walba ka heli doonaa, nasiib wanaag  buuggaan ayaa  noqonayo midkii ugu horeeyay ee kulansaday xikmaddo qaali ah,  murti qiimo leh, ila qosol iyo sooyaalka taariikheed ee waayo joog hore oo magac ku dhex leh bulshadooda.

Sheekooyinka kale ee buuggaan laga dheehan karo  waxaa  ka  mid ah ereyada dhawaan galka ah ee ku soo biiray  afkeena hooyo, ereyada Qalaad ee afka Soomaaliga ku milmay iyo  kaftan dhabaalihii taariikhda galay ee Faarax Gololeey .

Mowduucyadaasi ka sakow,  waxaa kaloo buuggaani ka heli doontaa shaqsiyaddii Xuseen Sheikh Axmed (Kadare), Sheikh Maxamed Macallin,  Shariif Saalax iyo  Sh. C/raxmaan Abuu-xamsa,  sidoo kale buuggaan waxa uu soo bandhigayaa  taariikhda  Adna Aadan, Dr. Maxamed Daahir Afrax  iyo aqoonyahano kale oo bulshada Soomaaliyeed magac iyo saameynba ku leh.

Taariikh ahaan waa markii ugu horeysay ee la soo bandhigo buug intaas oo macluumaad ah xambaarsan, xaqiiqdii buugga Xikmadda Nolosha oo aad  loola dhacay ayaa dhawaan waxaa lagu soo bandhigay Carwadii buuggaagta Muqdisho oo intii u dhaxaysay 15-17 Agoosto 2018   ka socotay magaalada Muqdisho.

Qoraaga buuggaan waa baare iyo  ururiye aad u daraaseeya afka iyo dhaqanka, waa ruug caddaa muddo dheer ku soo dhex jiray hawlaha Saxaafadda, sidoo kale qoraagu  waa waayo joog nolosiisa inteeda  ugu badan la soo qaatey hal-abuurada iyo qalin-maallada afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed,  qoraaga hibooyinkaasi  leh ee qoray buugga Xikmadda Nolosha waa Gudoomiyaha Naadiga  Somalipen ahna masuul  ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSomaaliga  (AGA) Al-ustaad Cabdi-naasir Yuusuf Macalllin “Ganey”.

Saaxiib kasta oo xiiseynayo Buuggani  waxa uu ka  heli karaa Xarumaha cilmiga, Maktabadaha,  goobaha Aqoon faafinta iyo qaar ka mid rugaha lagu helo buggaagta.