Munaasabad si ballaaran loo soo agaasimay, looguna talaggalay furitaanka bandhigga buugaagta Muqdisho, ayna ka soo qaybgaleen madax ka tirsan dawladda Soomaaliya, qorayaal, aqoonyahanno, macallimiin, arday iyo marti sharaf aad u badan, ayaa maanta oo ku beegan 7/11/2024, waxa ay ka dhacday magaalada Muqdisho.
Ra’iisulwasaare Kuxigeenka xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, oo furey bandhigaasi ayaa sheegay inuu bogaadinayo qorayaasha Soomaaliyeed kaalintooda dowlad dhiska dalka, iyo Kobcinta garaadka bulshada, isagoo iftiimiyay muhiimmadda ay bulshadu u leeyihiin akhriska iyo qoraalka.
Mudane Saalax ayaa tilmaamay in xukuumadda dan qaran ay ka go’antahay ahmiyadsiinta iyo dhiirrigelinta akhriska iyo qoraalka, wuxuuna si wayn ugu mahadceliyay masuuliyiinta iyo qabanqaabiyaasha bandhigga buugaagta Muqdisho.
Bandhigga Buugaagta Muqdisho ee maanta ka billowday magaalada Muqdisho, ayaa ah midkii 8-aad ee Muqdisho ay martigaliso.