Wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ( AGA) u qaabbilsan Galmudug Abwaan Calideeq Maxameed Xaashi oo safar shaqo oo la Xiriira Hiilka Afka Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisa ku maraya deegaannada Galmudug, ayaa waxa uu maammulka Maktabadda Cadaado guddoonsiiyay Buugaag iyo nuqullo ka mid ah caddadyo kala duwan oo ka mid ah Warsidaha AGA.

Buugaagta Wakiilka AGA ee Galmudug uu ku wareejiyay Maktabadda Cadaado ayaa waxaa ka mid ahaa Maana-faay, hal-door & Buugga Waxqabadkii AGA ee sannadkii 2019.

Guddoomiyaha Maktabadda Guud ee Cadaado Mudane Bile Axmed Faarax iyo Guddoomiye ku-geenkiisa Mudane Cabdishakuur Cismaan Jimcaale ayaa buugaagta ka guddoomay Wakiilka AGA ee Galmudug Abwaan Calideeq.

Masuulliyiinta Maktabadda Cadaado ayaa waxay uga mahad-celiyeen AGA deeqda buugaagta ah ee uu soo gaarsiiyay Wakiilka AGA ee Galmudug Abwaan Calideeq Maxammed Xaashi.

Horay ayaa Wakiilka AGA ee Galmudug waxa uu buugaag u guddoonsiiyay Maktabado & xarumo kale oo aqooneed oo ka mid ah deegaannada Galmudug.

Hawl-galka AGA ee Galmudug ayaa horraantii sannadkan sii dhammaanaya ee 2020 wuxuu ka billaabay deegaannada Galmudug dhaqdhaqaaq ku aadan Hiilka AfSoomaaliga ah, oo iskugu jira wacyi-galin, taageerid iyo cilmi-baaris.