Madaxa qaybta ereybixinta iyo tarjumaadda ee xarunta Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Cabdiweli Maxamed Shiikh Cumar (Shariif) ayaa habeenkii ay taariikhdu aheyd 8/1/2026, waxaa uu ka qaybgalay bandhigga buugga “Giriyaad” oo daahfur ballaaran loogu sameeyay xarunta Astaan ee magaalada Muqdisho.
Cabdiweli Shariif oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in buugga Giriyaad uu xambaarsan yahay macluumaad aad u qiima badan oo laga qorey aabbihii fanka Soomaaliyeed Cabdi Deeqsi Warfaa (Cabdi Sinimo) iyo Khadiija Ciye Dharaar (Khadiijo Balwo), wuxuuna caddeeyay inuu buugaasi yahay mid waxtar weyn u leh ummadda Soomaaliyeed, isagoo bogaadiyay qoraha buugaas.
Horey ayaa buugaasi loo guddoonsiiyay guddoomiyaha Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga Macallin Saciid Saalax, oo ka mid ahaa madax kala duwan oo buugaasi lagu sharfay guddoonsiintiisa, ka hor inta aan la soo bandhigin.