Guddiga fulinta ee Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) ayaa xalay oo ku beegneyd 24/1/2026, waxa uu kulan gaar ah ku yeeshay aaladda loo yaqaanno Zoomka. Kulankaas oo si weyn looga soo qaybgalay, waxaa looga wadahadlay horumarinta shaqooyinka Akademiya Goboleedka iyo sidii loogu diyaargaroobi lahaa kalfadhiga guddiga fulinta ee Akademiyada.
Guddoomiyaha Akademiyada Macallin Saciid Saalax Axmed oo kulankaasi shirguddoominayay ayaa xubnaha guddiga fulinta ee AGA ugu warbixyay halka uu marayo dadaalka loogu jiro qabashada kalfadhiga guddiga fulinta ee Akademiyada, wuxuuna caddeeyay in lagu raja weyn yahay inuu dhaco kalfadhigaasi horraanta bisha Febraayo 2026, isagoo soo jeediyay in loo diyaargaroobo, isla markaana la doorto guddiyo kala duwan, oo loo xilsaaro qabsoomida kalfadhigaasi.
Falanqayn iyo is tusaaleyn dheer kaddib, waxaa la doortay dhawr guddi oo loo xilsaaray inay ka sii shaqeeyaan sidii uu kalfadhigaasi ugu soo dhammaan lahaa si guul ah.
Kulankaasi guddiga fulinta ayaa ku soo gabaggaboobay jawi aad u wanaagsan, waxaana dib loo ballamay Arbacada soo socoyo haddii uu Alle idmo.