Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) ayaa xalay oo ku beegneyd 7/11/2020, waxa ay aaladda fogaan aragga ee loo yaqaanno Zoom-ka ay ku qabatay Madasha AGA ee lagu lafo-guro AfSoomaaliga iyo Tayayntiisa, taasi oo lagu faaqiday mowduuc uu hal-ku-dheggiisu ahaa “Adeegsiga AfSoomaaliga & Ubadka Qurbajoogta; Caqabadaha jira & fursadaha garabyaal”.

Madasha Bishaan waxaa daahfuray Wakiilka AGA ee Qaaradda Yurub; Md. Cabdiraxmaan Abtidoon oo ka warbixiyay mowduuca iyo sababaha keenay in xoogga bishaan lagu saaro qurba-joogta iyo heerkooda adeegsi ee AfSoomaaliga. Waxaana uu ka sheekeeyay sida ay madashan u xoojinayso is aragga dadka indheer-garadka ah ee ka shaqeeya horumarinta Afka, dhaqanka iyo hal-abuurka ee ku nool qurbaha iyo waaliddiinta u baahan in ilmahoodu bartaan, adeegsadaanna AfSoomaaliga, isaga oo soo dhaweeyay mowduuca bishan loo soo xushay madasha AGA iyo aqoonyahankii loo doortay inay ka qeyb-qaataan.

Madashaas oo aad u xiiso badneyd ayaa soo jeediyaasheeda waxaa ka mid ah Barbaariye Bashiir Cali Xuseen, oo ah cabqari aad loogu yaqaanno qoridda sheekooyinka carruurta oo ku qoran Af-Soomaaliga, hagidda iyo ababinta wanaagsan ee ubadka ku koray qurbaha ikk.

Qoraaga ayaa usha ku dhuftay hababka toolmoon ee loo baahan yahay in ay adeegsadaan barayaasha, waaliddiinta iyo maamullada goobaha waxbarasho ee gacanta ku haya carruurta; taasi oo uu tilmaamay in ay hodonaynayso kalsoonida lagu qabo ilmo ku barbaara afkiisa hooyo, isaga oo dhinaca kale AGA ka codsadey in ay xoogga saarto madalaha noocaan oo kale ah.

Qoraa Xuseen M. Cabdulle “Xuseen Wadaad” oo ah Wakiilka AGA ee waddammada Iskaandaneefiyaanka, kana mid ahaa aqoonyahankii martida u ahaa Madasha AGA ayaa isna taabtay in ay mudan tahay in waaliddiinta Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha looga baahan yahay masuuliyadda ugu wayn ee ku barbaarinta afka hooyo ilmaha, waxaana uu si fiican u iftiimiyey caqabadaha jira iyo fursadaha garabyaal ee muhiimka ah ee la doonayo in ay ka faa’iidaystaan.

Sidoo kale Wakiilka AGA ee dalalka Iskaandaneefiyaanka Dr. Xuseen Wadaad oo hadalkiisa sii wata ayaa si cilmiyaysan uga hadlay heerarka adeegsiga AfSoomaaliga ee qurbaha, waxaana uu ka warramay hawlgallo ku aadan tayaynta afka hooyo oo ay ka sameeyeen Qaaradda Yurub, isaga oo AGA uga mahadnaqay soo xulida mowduuca xiisaha badan oo ay bishan u garatay in lagu gorfeeyo madasha AGA.

Qoraa Saynab Daahir oo ka mid ahayd aqoonyahanka mowduuca falanqaynayay ayaa qodobbaysay doorarka ay ciyaari karaan aabbayaasha ku nool qurbaha; ayada oo sii adkaysay in masuuliyadda aan lagu sii dayn hooyada kaliya.

Saynab oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri, “Ahmiyadda ugu wayn ee koowaad waxa ay dusha ka saaran tahay labada waalid ee canugga dhalay; macallinka ayaa noqonaya qofka labaad, waxaana loo baahan yahay in canugga lagu hago waxa uu samaynayo, in aad adigu kula hadashid AfSoomaali ee aadan u adeegsan luuqad qalaad”.

Aqoonyahankii martida ku ahaa madasha AGA ayaa si gaar ah ka qayb-qaatayaasha ula wadaagay guud ahaan sida loo sii xoojin karo tayaynta adeegsiga Afka iyo kaalinta ay AGA ka qaadan karto, iyaga oo ugu dambayntii iftriimiyay in ay lagama mamarmaan tahay sidii loo xoojin lahaa tayaynta Adeegsiga AfSoomaaliga ee goobaha waxbarashada dal iyo dibadba.

Qoraa Boodhari Warsame oo madashaasi xiriirinayay ayaa su’aalaha u qeybinayay martida iyo ka qeyb-galayaasha, iyada oo ka hor intii aan la soo gunaanadin madashaasi ay ka qeyb-qaatayaashu su’aalo guud oo la xiriira mowduuca ay waydiiyeen xeeldheerayaashii barnaamijkaas martida ku ahaa.

Ugu dambayn Bare Sare Mustafa Fayruus oo ahaa hoggaamiyihii Madasha ayaa soo xiray madashaaasi, waxaana uu ka sheekeeyay heerarkii ay soo mareen kulammadii Madasha AGA ee 12-kii bilood ee la soo dhaafay, ujeeddada ka dambaysay in la sameeyo madasha noocaan ah, talo soo jeedinno laga dhaxlay iyo doorka birlabnimada ah ee ay ciyaareen xeeldheerayaashii ka qayb-galay, isaga oo u mahadceliyay maqaawiirtii iyo xeeldheerayaashii Afka ee ka qayb-qaatay iyo sidii ay garbaha ugu noqdeen Madasha AGA.

Lixdii bilood ee ugu dambaysay waxaa madasha AGA ay ku qabsoontay aaladda fogaan-aragga “ZOOM”, iyada oo ay taasi keentay cabsi laga qabo safmarka COVID-19 oo xaddiday isku-imaatinnadii badnaa.

Waxaa Diyaariyay:- Rooble Axmed Iidle (Qalbi-taajir)