Munaasabad lagu maamuusayay daahfurka Ereybixinta Amniga Saybarka (Cyber Security) ee dhinaca af Soomaaliga, ayna iska kaashadeen Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga (AGA) & Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta ayaa maanta oo ku beegan 1/6/26, waxaa lagu qabatay xarunta Akademiye Goboleedka ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadaas oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’ uuliyiin ka kala socotay hay’adaha dowladda, aqoonyahanno, khubaro dhanka luuqadaha ah, xeeldheereyaal teknoolojiyadeed, ardayda jaamacadaha iyo marti sharaf kale oo aad badan.
Ugu horreyn, waxaa munaasabadaas ka hadlay Prof. Mustafa Fayruus oo ka mid ah madaxda Akademiya Goboleedka (AGA), wuxuuna halkaasi ka soo jeediyay hadalllo isugu jiray soo dhoweyn,, mahadnaq & muhiimmadda ay leedahay ereybixinta.
Intaasi kaddib, waxaa codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay kusimaha guddoomiyaha Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade), oo ka hadlay baahida loo qabo in af Soomaaligu la jaanqaado horumarka teknoolojiyadda casriga ah.
“Afku waa hoyga aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin horumarka teknoolojiyadda casriga ah, waxaa adkaanaysa in bulshada si buuxda uga faa’iidaysato isbeddellada cusub. Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo af Soomaaliga, tayeynta adeegyada dowladda iyo wacyigelinta bulshada,” ayuu yiri Mudane Foodcade.
Barasare Cabdalla Cumar Mansuur, oo ku hadlayay magaca Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa ka hadlay muhiimmadda ereybixintu ay u leedahay horumarinta afka iyo cilmiyeyntiisa, isagoo tilmaamay in mideynta ereyada cusub iyo ka faa’iidaysiga dadaalladii hore ee horumarinta af Soomaaligu ay muhiim u yihiin kobcinta iyo horumarinta afka.
“Ereybixintu waa waxa afka ka dhigaya mid cilmiyeed. Marka ereyo cusub la sameynayo waxaa muhiim ah in la mideeyo, laga fogaado tarjumaad xarfi ah, isla markaana laga faa’iidaysto dadaalladii hore ee lagu horumarinayay af Soomaaliga. Taasi waxay xaqiijinaysaa in afku sii ahaado mid la jaanqaadi kara aqoonta iyo culuumta cusub.” ayuu yiri Barasare Cabdalla Mansuur.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheikh , ayaa sheegay in dadaalkaan uu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegsiga af Soomaaliga ee Amniga Saaybarka.
“Helitaanka ereybixin mideysan oo af Soomaali ah waxay fududeyn doontaa diyaarinta sharciyada, siyaasadaha, qoraallada cilmiyeed iyo agabka wacyigelinta ee la xiriira amniga saaybarka. Waxa kale oo ay ka caawin doontaa ardayda, waalidiinta iyo bulshada inteeda kale inay si fudud u fahmaan fikradaha iyo khataraha la xiriira dunida dhijitaalka ah,” ayuu yiri Mudane Mustafa .
Maareeyaha hay’adda Isgaaraiinta Qaranka oo hadalkiisa aii wata ayaa xusay in ereybixintani ay fududeyn doonto tarjumaadda maqaallada cilmiyeed, buugaagta iyo agabka kale ee teknoolojiyadda, taas oo kor u qaadi doonta helitaanka aqoonta iyo ka qeybgalka bulshada ee arrimaha dhijitaalka ah.
Daahfurka Ereybixinta Amniga Saaybarka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo af Soomaaliga, laguna xoojinayo adeegsigiisa dhinaca amniga saybarka, si bulshada Soomaaliyeed ay si sahlan ugu fahmi karto ugana faa’iidaysan karto fikradaha iyo erayada cusub ee la xiriira teknoolojiyadda casriga ah.