Maxamed Cabdillaahi Riiraash wuxu ahaa Aqoonyahan Soomaaliyeed, wuxu ahaa qof Ilaahay yaqaan oo leh dabeecad wanaag, dulqaad iyo afgaabni,  ma ahayn qof marka aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa la eego isla weyn, dadku way u ninnaayeen cid walbana saaxiib ayuu la ahaa, Riiraash Ilaahay ha u naxariistee wuxu ahaa qof shaqo jecel oo waxa uu qabanayo si daacad ah u guta.

 Maxamed Cabdillaahi oo loo yaqaannay « Riiraash »  wuxu ku dhashay meesha la yidhaa ‘Jameecada’ oo dhanka Bari kaga toosan magaalada Gebiley, inkasta oo xilligaa diiwaangelinta taariikhda dhalashada aan aad loo aqoon haddana Maxamed cabdillaahi wuxu ii sheegay inuu dhashay qiyaastii 1946kii.

QOYS DIINI AH

Jameecadu waxay ahayd Xarun Diineed oo qaadiriyo ah oo Hargeysa iyo Gebilayba ka jirtay, Qaybta Gebiley waxa asaasay Sheekh Muxumed Cabdalle oo ahaa Maxamed Cabdillaahi Riiraash Awawgii hooyo wuxu ahaa wadaad caalim ah oo reer magaal ah, oo xilligaa ka soo guuray Magaalada Bullaxaar oo uu ku soo guursatay Riiraash mocoydii hooyo, sidoo kale Sheekh Muxumed Cabdalle  wuxu hormuud u ahaa dadkii ugu horreeyey ee beeraha ka samaystay degmada Gebiley. Xilligaa horteed degmadan beero ma jirin oo waa la wada lahaa, markii uu sheekhu yimid ayaa la qaybiyey oo beerihii ay dad gaar ihi yeesheen,

GARABCAD

kolkii uu Riiraash dhashay reerkoogii waxay u guureen dooxa garab-cad la yidhaa oo Gebiley dhanka koonfureed kaga toosan, Cabdillaahi Riiraash oo macallin qur’aan ahaa ayaa ka sameeyey dugsi quraan oo ay dad badani ka aflaxeen, Ardaydii halkaa Qur’aanka ka baratay waxa ka mid ahaa Ilaahay ha u wada naxariistee Maxamed Cabdillaahi Riiraash, iyo walaalkii  Cabdi Cabdillaahi. Dugsiga oo ay dhigan jireen dhallinyar faraban oo ka soo jeeddey dadkii deegaanka waxa macallin yare ka ahaa wadaad la odhan jiray aw Cumar aw yuusuf.

BARAKICII U HORREEYEY

 markii uu Maxamed noqday wiil kuray ah qiyaasta badhtankii kontomeeyadii waxa dhimatay hooyadii Caasha Sheekh Muxumed Cabadalle, oo uu dhalay wadaadkii Jameecada asaasay, xilligaa Riiraash wuxu ku tilmaay inuu ahaa « barakicii u horeeyey ee ku dhacay isaga » .

WAXBARASHADIISII HOOSE

Maxamed waxay walaalo ahaayeen Cabdi oo ka weaynaa iyo labo hablood, oo ay isku bah ahaayeen, iyo Sheekh Axmed Cabdillaahi oo ay uur-aabbo ahaayeen. Kolkii ay hooyadood dhimatay Maxamed waxa soo qaatay walaalkii  oo Hargeys keenay,  walaalkii oo xilligaa ahaa macallin quraan oo dugsi quraan oo Al-Falaax la odhan jiray ayu Hargaysa ku lahaa, Maxamed waxa lagu daray dugsi « Riis » la odhan jiray oo imika New Hargeysa la yidhaa, Malcaamadana isagaa u dhigi jiray . Dugsigii dhexe Riiraash wuxu ka bilaabay dugsiga Axmed Guray oo isna Hargaysa uun ku yaal , dabadeed dugsigii sare wuxu u gudbay magaalada Sheekh, kolkii uu dugsiga sare ka dhammeeyey Magaalada Sheekh wuxu u gudbay jaamacaddii Lafoole ee Xamar.

 1960kii kolkii ay Soomaaliya gobanimada qaadaay Riiraash wuxu dhigan jiray Dugsiga hoose ee Riis, wuxuna ii sheegay inuu weli xasuusan yahay meeshii xafladda lagu sameeyey oo ahayd meesha imika laga dhisay Masaajidka Ibraahin Dheere, isaga oo ka sheekaynaya wuxu yidhi : « maalintaa roob yarina wuu nagu da’ay oo geeraarkii kanna siib kanna saar halkaa baa laga qaaday  . Kolkii dambe Soomaalida oo dhan ayaa aad u damaashaadaysay oo waxa lagu baahay ilaa beerta xorriyadda» . 1964 Maxamed wuxu dhammeeyey dugsiga dhexe, 1965 kiina wuxu galay dugsigii sare ee Axmed Guray, dabadeed 1968kii  ayuu galay kulliyaddii waxbarashada ee Lafoole oo uu ku jiray ilaa 1973kii. Dabadeed waxa loo diray labo sano oo shaqo qaran ah, xilligaa wuxu macallin ka noqday magaalada Baydahaba , waxay shaqadii u horraysay ee uu dawlad u qabto. Markii ay labada sano soo idlaysteen ee ay Lafoole ku soo noqdeen waxa loosoo bedelay Hargaysa oo wuxu macallin ka noqday dugsigii sare ee Faarax Oomaar oo wuxu dhigi jiray Juquraafiga iyo Taariikhda.

1974 Riiraash wuxu dib ugu noqday magaalada Muqdisho oo waxa lagu daray guddiyadii qorayay manaahijtii waxbarashada ee la Soomaaliyeeyey. Waxa lagu xereeyey dugsigii Raage Ugaas ee Xamar, guddiyadani waxay u xilsaarnaayeen dejinta buugaagta saddexda marxaladood ee hoose/dhexe iyo sare .

isagu gaar ahaan wuxu ku jiray labo laamood oo kala ahaa Afka iy suugaanta iyo Juqraafiga iyo taariikhda.

Sannadkii 1978 Riiraash wuxu ka mid ahaa shaqaale loo diray dalka Ingriiska si ay waxrasho sare u soo biirsadaan, wuxuna galay Jaamacad la yidhaa (school of oriental and african studies) oo Landhan ku yaal, halkaas oo uu moddo labo sano ah ku qaatay shahaadada maastarka,

Wuxuna ku tilmaamay in xilligaasi ahaa xilliyadiisii ugu fiicnaa noloshiisa, Riiraash inta uu Landhan joogay wuxu isku dayay inuu doktooraa diyaariyo laakiin taasi way u suuro gali weydey.

Intii uu landhan joogay wuxu barnaamijyo taxane ah oo ku saabsanaa Buuggii Futuux al-xabasha ka baahin jiray BBC. Barnaamijyadaasi waxay saamayn weyn ku yeesheen Geeska afrika oo dhan, waxana aad looga dhegeysan Jiray Jabuuti oo sabab u noqotay imaatinkiisii Jabuuti.

1982 wuxu yimidday Jabuuti, markii laga warhelay inuu Jabuuti joogo waxa u yimid Cumar Macallin oo uu soo diray Ismaaciil Cumar Geelle,  Ismaaciil Xuseen Taani  iyo Maxamed jaamac  Aadan oo ku magacdheeraa « Yuuye » . waxayna u sheegeen in aqoontiisa loo baahan yahay sidaa daraadeedna lagama maarmaan tahay inuu Jabuuti dego oo uu idaacadda iyo telefishanka ku yeesho barnaamijyo joogto ah. Halkaana isaga iyo Cumar macallin iyo Kamaal Axmed oo farsamo yaqaan ahaa, waxay ka bilaabeen barnaamijkii salka u noqday barnaamijyadii caan baxay ee Sirta ereyga, gurmad dhaqan, Tixmaal iyo war iyo waaya arag. Dadkii barnaamijyada uu ka duubay waxa ka mid ahaa Cumar Good Buux, Axmed Cadcadle, Khadiija Muuse , Caasha iyo Ismaaciil Dusiiye Barnaamijkaana waxa la odhan jiray ‘Dhaqan iyo suugaan ‘ .

Riiraash barnaamijyadaa oo ku bixi jiray afsoomaali wuxu ku bilaabay waxyaalihii asaaska u haa dhaqanka soomaaliyeed sida : Ciyaaraha, qalabka la adeegsado, shinnida, geedaha, xoolaha iwm.

Qoraalladii ugu caansanaa ee uu lahaa waxa ka mid ahaa Tarjamada Buugii FUTUUX AL-XABASHA,  qaamuuska weyn ee Soomaal oo uu ragga ugu caansanaa  Maqaallo ay ka mid ahaayeen, maqaal uu ka qoray sida ay isku saameeyey suugaanta Soomaalida iyo geela wuxuna ku qoray af ingriisi, wuxu ka soo bixi jiray dalka iswidhin , suugaanta iyo qalalaasaha dagaallada oo isna Iswidhin lagu daabay wuxna ahaa maqaal aad u qiimo badan, ka saddexaad qarnigii 16aad iyo taariikhda geeska afrika isna waxa lagu daabacay Rooma

Waxa jiray mid kale oo Martin Owen wada qorneen oo ku saabsanaa miisaanka maansada Soomaalida wuxuna Martin ku daabacay Joornaal Ingiriis ah.

Ugu dambayn wuxu hormood u ahaa barnaamijyo caan baxay sida Tixmaal, Sirta ereyga, War iyo waayo Arag.

Wuxu ka mid ahaa dadkii Asaasay Ururka qalinleyda iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed ee SOMALIPEN.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku abaalmariyey billadda 27 Juun .

Xagga qoyska 1977 ayuu mehersaday Maryan Aw Daahir laakiin wuxu u baxay Muqdisho haddana Ingriiska ayuu uga sii gudbay, markii uu jabuuti yimid ayuu  xaaskiisii  Jabuuti halkaa oo uu ku aroos galay,  saddex ka mid ah Carruurtiisa ayaa Jabuuti ku dhashay labad kalana waxay ku dhasheen Gebiley.

 Waxaa qoray: Ismaaciil Cabdi Axmed

Guddoomiye Kuxigeenka Akademiyada AGA