Qurba joogta  Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka dibaddiisa ayaa dhexda u xeratay sidii ay  u soo saari lahaayeen buuggaag ku qoran afkeenii hooyo ee Soomaaliga ahaa.

Qorayaasha Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha ayaa sannadka 2018-ka soo saaray buuggaag aad u  badan, ujeeddada looga gol  leeyahay soo bandhigida  buuggaagtaasi ayaa lagu macneeyay inay la xiriirto sidii dadka Soomaaliyeed ee bannaanka ku dhaqan loogu dhiiri-galin lahaa nooleynta iyo daryeelka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa.

Qoraha buugga loogu wanqalay Godob iyo Gallad Al-ustaad Xuseen Maxamed Cabdulle (Waddaad) ayaa Degalkaan (Website)-kaan u sheegay in maalinba maalinta ka dambaysa ay soo kordhayaan  buuggaagta ku qoran afka Soomaaliga ee qurbaha laga soo saarayo, waxaana uu intaasi raaciyay qorayaasha qurbaha inay ka go’an tahay sidii ay doorkooda uga cayaari lahaayeen illaalinta afka hooyo.

Buuggaag aad u fara badan oo ku qoran afka Soomaaliga  ayaa muddooyinkaan dambe si isdaba joog ah uga soo baxayay wadamada ay qurba joogta Soomaaliyeed  ku nooshahay.