Sannadka 2020, wuxuu Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) u ahaa sannad ay hawlo waaweyn oo lagu farxaa u qabsoomeen, qaar kaloo ay higsanaysayna ay awoodda iyo duruuftu gaasirtay; sannad watay dhacdooyin farxad iyo murugaba u lahaa bahda afka iyo dhaqanka, iyo guud ahaan dunidoo dhan.
Iyadoo ka ambaqaadaysa qorshe-hawleedkii ay degsatay bilawgii sannadka ayay Akadeemiye-Goboleedku u dhaqaaqday fullinta hawlihii ay sannadkaas qorshaysatay. Inkastoo uu xakameeyay hawlaha qaar, xanuunka Covid-19 ee dunida wada saabtay, haddana Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga waxaa sannadka 2020 u qabsoomay, hawlo lagu naalloon karo, bogaadinna mudan. Qoraalkani waa soo-koobid laga soo qaatay Warbixin-sannadeeddii rasmiga ahayd ee AGA soo saartay, taas oo ay qodobbadeeda ka mid ahaayeen kuwa hoos ku taxan:-
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka, Dr. Maxamed Daahir, ayaa 09/02/2020, aqoonwadaagsiiyay xubnaha laanta Somali Pen ee magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka, Dr. Maxamed Daahir, ayaa 23/10/2020 muxaadaro u jeediyay ardayda Dugsiyada Sare ee Garoowe.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka, Dr. Maxamed Daahir, ayaa 27/10/2020, waxa uu muxaadaro-cilmiyeed halkudheggeedu yahay “Aqoonta Dhabta ah: Ilaha laga Barto iyo Ujeedka loo Barto”,u jeediyay ardayda Jaamacadda Bariga Afrika. Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka iyo wafdi la socday ayaa 23-11-2020, waxa ay booqasho ku tageen xarunta Taliska Ciidammada Cirka Soomaaliya (Afisyooni) ee magaalada Muqdisho. Booqashada oo ku timid codsi ka yimid ciidanka, lana xiriira tababbar la siinayo ciidanka cirka, si loo tayeeyo aqoonta dhigaalkooda.
3. Madasha AGA iyo Aaladda ZOOM-ka Iyadoo lala jaanqaadayo dadaallada lagu xakamaynayo faafitaanka safmarka Covid-19 darteed, laga soo bilaabo bishii Juun 2020 “Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa” waxaa lagu qabtayaaladda ZOOM, waxaana si toos ah loogu baahiyay baraha bulshada, sida Facebook LIVE. Waxaa si joogto ah ula socda madashan kumanaan qof oo kala jooga dalalka Geeska Afrika iyo qurbajoogta ku faafsan daafaha dunida. Madashii bisha 6aad ayaa la qabtay 28/6/2020. Cinwaankii looga hadlay wuxuu ahaa: “Kacaakufkii Gobannimada iyo Kaalintii Suugaanta”. Waxaa soojeediyay guddoomiya AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax.
Madashii bisha 7aad ayaa la qabtay 17/7/2020. Cinwaankii looga hadlay wuxuu ahaa:“Dhigaalka af Soomaaliga: Dhibaatooyinka jira iyo dhabbaha xal-raadinta”.Martida Madasha ayaa kala ahaa: Prof Cabdalla Cumar Mansuur, Macallin Saciid Saalax, Prof Cabdisalaan Ciise Salwe, Macallimad Saynab Aaden iyo Bare Sare Mustafa Fayruus. Madashii bisha 8aad waxaa la qabtay 8/8/2020. Cinwaankii looga hadlay wuxuu ahaa: “Xaaladda Adeegsiga Af-Soomaaliga ee Maamulka iyo Ganacsiga”. Martida Madasha ayaa kala ahaa: Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha JFS, Md Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee JFS, Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Macallin Siciid Saalax Axmed oo ah Wakiilka Akadeemiyada ee Woqooyiga Ameerika.
Madashii bisha 9aad waxaa la qabtay 5/9/2020. Cinwaankii looga hadlay wuxuu ahaa: “Xaaladda adeegsi AfSoomaaliga DDS.” Martida Madasha ayaa kala ahaa: Dr. Cabdinaasir oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka AGA, Macallin Maxamuud Maxamed oo ah wakiilka AGA DDS iyo wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska DDS, Md Ilyaas Abiib Maxamuud. Madashii Oktoobar, oo la qabtay 3/10/2020, cinwaankeedu wuxuu ahaa:“Adeegsiga AfSoomaaliga iyo Aaladaha Warbaahinta”.Waxaa soo jeediyay xeeldheerayaasha kala ah: Xil Khaalid Macow,qoraa sare Axmed Faarax “Idaajaa” iyo saxafi Cabdinuur Sh. Maxamed Isxaaq.
Madashii Noofambar (7/11/2020), cinwaankeedu wuxuu ahaa: “Adeegsiga AfSoomaaliga iyo Ubadka Qurbajoogta; Caqabadaha jira iyo fursadaha garabyaal”. Waxaa ka hadlay xeeldheerayaasha kala ah: Md Xuseen “Wadaad”, Md Bashiir Cali Xuseen iyo Mw Saynab Aadan Sharci. Madasha Diisambar (19/12/2020), cinwaankeedu wuxuu ahaa: “100 sano ka dib Halgankii Daraawiishta: Milicsiga Hal-abuurkii Sayidka iyo Hub-ka-dhigashii Suugaanta”. Waxaa soo jeediyay xeeldheerayaasha kala ah: Dr. Maxamed Daahir Afrax, Macallin Siciid Saalax, qoraa sare Axmed Faarax Idaajaa, Abwaan Xaashi Cabdillaahi Orrax, Marwo Firdowsa Caamir iyo abwaan Ismaaciil Aw Aadan “Jaajuumow”.
“Madasha AGA ee Horumarinta Afka Hooyo iyo Hal-abuurkiisa”waxaa la daahfuray bishii Diisambar 2017, waxay kulmisaa ehelada AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, bahda dhaqanka iyo aqoon-faafinta, bahda waxbarashada iyo cilmi-baarista, iyo cid kasta oo ku hawlan ama jecel afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoonta. Madashani waxay ka mid tahay waxqabadka joogtada ah ee bil kasta ay hirgaliso Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), iyadoo ka duulaysa qorshe-hawleedkeeda iyo himilooyinka loo dhisay.
4. Bilaabidda Dhismaha Xarunta AGA Sannadka 2020, waxyaabihii Akadeemiye-Goboleedka u qabsoomay taariikhdana u galay waxaa ka mid ah, in la bilaabay dhismihii xaruntii Akadeemiyada. Munaasabad kooban oo loogu tala-galay bilaabidda dhismaha AGA ayaa 06/05/2020 waxaa lagu qabtay goobta laga dhisayo xarunta. Hadal kooban uu halkaas ka soo jeediyay Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka, Dr. Maxamed Daahir Afrax, ayuu ku sheegay, inuu aad ugu faraxsan yahay in ugu dambayntii la dhaqaajiyey hawshan oo halgan dheer loo soo galay iyo inuu Alle uga mahadnaqayo inuu goobjoog ka yahay kana qaybqaadanayo.
5. Joogtaynta iyo Horumarinta Warbaahinta AGA Si shaqooyinka ku saabsan waxqabadka AGA loo gaarsiiyo daafaha caalamka ayay Akadeemiyadu waxay dardargalisay aaladaheeda kala duwan ee warbaahineed oo ay ka mid yihiin: Dagalka AGA (www.aga.so); baraha bulshada ‘Social Media’, sida: Facebook, Twitter iyo YouTube; iyo Warsidaha AGA. Akadeemiyada AGA, ayaa 30/09/2020 waxay horumarin cusub ay ku samaysay Degalka ama Mareegta ku hadasha afka Akadeemiyada, si uu ula jaanqaado tiknoolajiyadda casriga ah ee caalamka laga isticmaalo.
Akadeemiye-Goboleedku waxay si joogta ah u soo saartaa, waxqabadkeedana ka mid ah “Warsidaha AGA”;warsiduhu waa warside-xilliyeed ay soo saarto Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu (AGA), oo soo gudbiya aqoon isugu jirta xog-wadaag, aqoon-wadaag iyo talo-wadaag. Warsidahan ujeeddooyinka loo asaasay waxaa ka mid ah in uu ehelada afka, hal-abuurka, dhaqanka, qoraalka iyo aqoon-faafinta ee daafaha dunida kala jooga la socodsiiyo hawlaha muhiimka ah ee ku saabsan arrimaha kor ku xusan. Warsiduhu wuxuu ururiyaa, kaydiyaana dhacdooyinka muhiimka ah iyo waxqabadka arrimaha kore. Akadeemiye-Goboleedku waxay soo saartay sannadkii 2020, afartii tirsi ee warsidaha; tirsiga9aad, 10aad, 11aad iyo tirsigan 12aad ee gacantaada ku jira.
6. Taageeridda Goobaha Aqoon-faafinta Si loo horumariyo aqoonta iyo cilmiga la xiriira af Soomaaliga ayaa 19/09/2020, waxay ay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaligu buugaagguddoonsiisay Maktabadda Guud ee magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale, 23/12/2020 waxay guddoonsiiyay buugaag iyo nuqullo ka mid ah Warsidaha AGA, maammulka Maktabadda Cadaado. Buugaagta waxaa maktabadaha guddoonsiiyay, wakiilka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ( AGA) Galmudug, Abwaan Calideeq Maxameed Xaashi.
7.Bandhigyo iyo Daahfur Buugaag Akadeemiye-Goboleedka AGA, ayaa 24/11/2020, daahfurtay buugga Iftiinka Hal-abuurka Gacanka Cadmeed (نافذة على الابداع فى منطقة خليج عدن) ee uu qoray Dr. Maxamed Daahir Afrax. Buuggan, waxaa horay bandhig ugu samaysay, Jaamacadda Bariga Afrika. Waxaana ka qaybgalay, guddoomiya Akadeemiye-Goboleedka AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax. Iyada oo la fulinayo baaqii ahaa dhiirrigalinta qorayaasha Soomaaliyeed ayaa 07-03-2020, waxa ay madaxda AGA ee Qaaradda Yurub ay magaalada Birmingham kaga qayb-gashay daahfurka buugga la yiraahdo “Godob iyo Geeri” oo uu qorey Muxyaddiin Xuseen Ciid.
8. Maamuusidda U-Hiilliyayaasha Afka Hooyo Akadeemiye-Goboleedku waxay maamuustay masuuliin, waxgarad iyo hay`ado kaalin muuqata ka qaatay u hiillinta afka hooyo iyo garab-istaagga hawlaha Akadeemiye-Goboleedka. Munaasabaddii lagu soo afmeerayay hawlihii AGA, oo Muqdisho lagu qabtay 24/12/2020, ayaa lagu shaaciyay magacyada u-hiilliyayaasha afka hooyo ee sannadka 2020, isla markaana lagu guddoonsiiyay shahaadooyinkii lagu maamuusay. Waxayna kala ahaayeen: 1. Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirikii hore ee arrimaha dibadda JFS; 2. Xaaji Ismaaciil Xuseen Taani, Guddoomiyaha SSPen; 3. Abwaan Xaashi Cabdillaahi Orrax; 4. Xildhibaan Khaalid Macow Cabdulqaadir, Guddoomiyaha Warfaafinta iyo Dhaqanka BFS; 5. Xaaji Xuseen Dhuubow, Ganacsade, samafale, mulkiilaha Telefishinka Somali Cable; 6. Marwo Jawaahir Baarqab, Gudd. ururkahaweenka G/Banaair; 7. Marwo Dahabo Shiikh Maxamuud, Guddoomiye ku-xigeenka Somali Pen, laanta Muqdisho Hay`adaha lagu maamuusay shahaado-sharafta waxay kala yihiin: 1. Golaha Abwaannada Soomaaliyeed; 2. Naadiga Hilin-hayaan 3. Hay’adda Macaarif. Ma aha maamuusidda inta nool oo keliya, waxaa kale oo Akadeemiye-Goboleedku xus iyo xusuusba u samaysay, Ilaahay haw naxariistee, qalinleydii iyo hal-abuurkii geeriyooday sannadka 2020.
9. Shahaado-sharafyo la Guddoonsiiyay Guddoomyaha AGA Iyadoo la aqoonsanayo hawlaha Akadeemiye-Goboleedka, gaar ahaanna dadaalka nafhurnimada joogtada ah ee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyaha AGA, ugu adeego afka hooyo; waxay hay`ado iyo xarumo-cilmiyeed oo kala duwani ku maamuuseen shahaado-sharafyo. Jaamacadda Bariga Afrika waxay shahaado-sharaf guddoonsiisay 27/10/2020. Bahda Haldoor ayaa bilad-sharaf guddoonsiiyay16/11/2020. Naadidaga Hal-abuurka iyo Qalinleyda Soomaaliyeed (Somali Pen)ayaa shahaado-sharaf guddoonsiiyay 24/11/2020.
10. Xafladda Sagootinta 2020 Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga AGA, ayaa 24/12/2020 qabatay xaflad lagu sagootinayay sannadka 2020, laguna soo bandhigay waxqabadkii AGA ee sannadkaas. Xafladda oo heerkeedu sarreeyay ayaa waxaa lagu soo bandhigay, waxqabadkii AGA, waxaana ka soo qaybgalay, masuuliin dawladda ka socda, bahda afka iyo dhaqanka iyo marti sharaf kale.
Xafladdaas ayaa soo gabagabaysay, qorshe-hawleedkii iyo waxqabadkii AGA 2020. Akadeemiye-Goboleedku waxay sannadka cusub ee 2021 u rajaynaysaa, hal-abuurka iyo afka hooyo, iyo bahdooda sannad horumar iyo koboc leh. Hadafkayagu waa horumarinta afka hooyo iyo hal-abuurkiisa!