Ilqabadka buuggga:
Buug kasta muuqiisa guud ee jaldiga ayaa badiyaa ku jeclaysiiya ama kaa jeediya. Jaldigu waa albaabka guud ee buugga “wixii araggiisu ku deeqo ayaa oontiisu ku deeqdaa”.
Sawirka buugga ee ah ubaxan madoow iyo in uu caddaaday ka muuqdo ayaa soo gudbinaya xogta buugga. Oo kaaga filan. Magaca loo xulay iyo sawirkuna way is macnaynayaan.
Iba furka sheekooyinka buugga:
Habka cajiibka ah ee sheekooyinku ku bilaabmayaan ayaa kugu sii kicinaya hilawga iyo haybinta gaba-gabada sheekada. Waxay kicinayaan abuurta xog-raadinta ah ee Alle inagu abuuray. Waxay kugu sidkayaan sadarrada aad dul joogto. Waxay kuu dirayaan in aad saadaaliso gondo degga sheekada.
Nuxurka sheekooyinka:
Buuggani waa diirad iyo toosh ifinaya cudurro bulsheed baaba’ keeni kara tusaale:
-
Baryadooda ma dhegaysan ee hal kaar oo u soo haray ayuu siiyay islaan uu u farmuuqay qof taleefan ka hagayay” bogga 120. Waxa halkaas ka cad caddaalad darrada iyo nin jeclaysiga.
-
In furriinku ubadka u daran yahay oo ay rafaadan ayuu buuggu si farshaxannimo leh ugu farfiiqayaa Tusaale:
“Idman in ay sidaydii nolosha la xariiftami doonto shaki iigama jiro, haddii ayan Eeddo Shacni tanaasulin.” bogga 130.
-
Waxkasta oo sidii loo jideeyay laga leexiyo in uu lur iyo dhib keeno ayuu buuggu akhristihiisa ku xanuujinayaa. Guurkii lagu xasili jiray in uu geeri horseedi karo buu ku tusayaa Tusaale:
“Daymo kulul ayay ku halgaadday. Daymo hadlaysa. Daymo dhahaysa: “waxaan ahay wadkaagii.” bogga 110
Gabagabada sheekooyinka:
Adiga oo caajis daaye hammuun qaba ayay sheekooyinka qaar ku sagootinayaan. Maankaaga ayay mala’awaal u dirayaan. Qisadii oo kaa dhammaatay baad sii falkinaysaa Tusaale
-
Tolow maxay ku samaysay? Miyay dishay? Ma badbaaday? Ileen waa nin oo ka xoog badane ma iyadii buu dilay? Guurkaasi ma sidaas buu ku dhammaaday mise waa lays cafin. Sheekada Guur bursi.
-
Reerkii ma heshiiyeen? Tolow afada Shaci ahi may tanaasuli? Miskiintii soo rafaadday ma mar kale bay rajoobi? Sheeda GOCASHO.