Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay, looguna talaggalay daahfurka dhigane la magac baxay Suleekha, ayna ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin kala duwan, bahda naadiyada akhris/qoraalka, aqoonyahanno iyo marti sharaf aad u badan ayaa 11-11-2023, waxaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ugu horreyntii, waxaa munaasabadaasi ka hadashay qoraha dhiganahaasi Farxiyo Muxudiin Yuusuf Lama-filaan, waxayna si faahfaahsan uga sheekaysaysay nuxurka uu xambaarsan yahay dhiagnahaasi, iyadoo iftiimisay inuu dhiganaheeda ka hadlayo qiso jaceyl ah oo dhex martay gabar iyo macallinkeeda.

 “Sheekadu ma aha dhaaya-ka-cabbir, ee waa dhab ka hadal la jaanqaadeysa jiilka maanta jooga iyo kuwa berri daalacan doona. Waxay gudbinaysaa, fariimo iskugu jira; qiimaha saaxiibnimada, daacadnimada xiriirka, xishoodka dumarka, garashada waalidka, kobcinta aqoonta iyo kasbashada qofkaaga” ayay tiri Farxiya Lama-filaan.

Qaar ka mid ah ka qeybgalayaashii bandhigaasi ayaa sheegay in dhiganaha Suleekha uu xambaarsan yahay sheeko waxtar badan oo loo baahan yahay in wax laga barto, iyaga oo qoraha dhiganahaasi ku bogaadiyay sida farshanka leh oo ay u soo bandhigtay sheekada Suleekha.

Dhiganaha Suleekha oo si cajiib ah loo qorey ayaa wuxuu caddeynayaa in qiso waliba aysan ku dhammaan guuldarro.