Taariikh, Dhaqan iyo Hiddo aad u fac weyn ayuu xambaarsan yahay af walba oo ka jira dunida, hantida ugu qaalisan ee ummad kasta ay ku faanto waa afkeeda, astaamaha ugu caansan ee shucuubaha caalamka lagu kala sooco waa afka ay qolo walba ku hadasho.

Culumada Dunida waxay rumaysan yihiin in afku uu yahay shey Noole ah oo Dhasha isla markaana Gabooba, haddii aan la daryeelina geeriyoon karo, nasiib wanaag afka Soomaaliga oo ka mid ah afafka ugu  hodonsan caalamka ayaa  maalin kasta waxaa ku soo  kordho  erey-bixin cusub  oo macno aad u qoto dheer ka tarjumaysa.

Qoraaga sheekadii caan baxday ee Maana Faay Dr. Maxamed Daahir Afrax ahna Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA)  ayaa xilliyo kala duwan waxa uu afka Soomaaliga ku soo biiriyay erey-bixin cusub, ereyadaas oo isugu jira qaar si baahsan loo bartay iyo kuwo aan si weyn u fidin.

Ereyada caanka noqday ee qoraagaasi uu hal-abuuray waxaa ka mid ah DAAH-FUR, Ereygaan macruufka ah waxa uu qoraagu hindisay horaantii Sagaashameeyadii, waxaana markii ugu horeysay loo adeegsadey Bandhigii buuggaagta oo ay  Somalipen ee ku qabatay magaalada London.

Ereyada kale ee Dr. Afrax laga bartay waxaa ka xusi karnaa AQOON WADAAG, QALINLEY & BANDHIG BUUGGAAGEED  oo markii Koowaad loo adeegsadey  Carwadii buuggaagta ee lagu dhigay wadanka Sweden,  erey bixintaas ka hor waxaa la isticmaali jirey Book Fair.

Hal-abuurka ereyadaan iskama imaanin hase yeeshee waxaa keentay baahi loo qabay helitaanka ereyadaas, amaan iyo bogaadin ayuu mudan qoraaga sheekadii Maana Faay bacdamaa uu afkeena hooyo  ku soo kordhiyay ereyo cusub oo waxtar balaaran u yeeshay afka Soomaaliga.