Kulan wadatashi ah oo looga hadlayey sidii goobaha waxbarashada, gaar ahaan dugsiyada nidaamiga ah looga xoojin lahaa af Soomaaliga, ayna ka soo qeybgaleen madaxda Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga iyo maamulka midowga dugsiyadda G/Banaadir ayaa 22/7/2023, waxaa lagu qabtay xarunta AGA ee magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga Bare sare Cabdalla Cumar Mansuur oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay nasiibdarro tahay in maadada af Soomaaliga ee lagu qaato dugsiyada waxbarashada dalkeenna in la geeyo maalmaha ugu dambeeya ee toddobaadka iyo xisadaha ugu sii dambeeyo ee maalmahaas, waxaana uu soo jeediyay in afkeenna hooyo mudnanatiisa la siiyo, isaga oo maamulka midowga dugsiyadda ka codsaday in maaddadaas la keeno maalmaha hore ee toddobaadka.
Guddoomiye ku xigeenka midowga dugsiyada G/Banaadir Cabdinuur Cali Maxamed oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan soo jeedinta Guddoomiyaha AGA, waxaana uu caddeeyay inay arintaasi ka shaqeyn doonaan, isaga oo ku celceliyay inay midowga ka go’an tahay sidii uu AGA ugala shaqeyn lahaa in af Soomaaliga lagu soo celiyo meeqaamkii uu ku lahaa goobaha maamulka iyo waxbarashada.
Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa madax ka kala socotay AGA iyo midowga dugsiyada G/Banaadir.