Buug-gaarsiinta Maktabadda Diri-dhabe waxa ay qeyb ka tahay qorshaha MQS ee ku aaddan howlaha horumarinra aqris-qoraalka iyo sidii bulshada Soomaaliyeed looga rari lahaa fadhi-ku-dirirka, looguna baddeli lahaa fadhi-ku-aqris, taasi oo door wanaagsan ka qaadanaysa sidii loo heli lahaa bulsho leh dabeecad aqris-qoraal, kana dhisan xagga aqoonta iyo garaadka.
Midowga Qorayaasha Soomaaliyeed waxa ay hiigsanayaan in gobol, degmo iyo tuulo guud ahaan dalka Soomaaliya laga helo Maktabado guud oo ay dadku wax ku aqristaan. Waxaana uu Midowga u mahad-celinaynaa dhallinyarada aqoonyahanka ah ee isku howlay buug u aruurinta Maktabadda Diri-dhabe, arrintaasi oo ah mid mudan in dhallinyarada garab lagu siiyo.