Madasha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo ah madal bishiiba hal mar la isugu yimaado, una xil-saaran hiilka afka hooyo iyo hal-abuurkiisa ayaa maanta oo ku beegan 6/11/2018 waxaa lagu soo bandhigay diraasad cusub oo ku saabsan Curiyeyaashii Far-Soomaalida.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka hadlayay furitaankii madashaas ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Madasha 4-aad ee AGA in lagu soo bandhigo cilmi baarista ku aadan Curiyeyaasha Far-Soomaalida, waxaana uu tibaaxay inuu soo dhaweynayo abwaanka isku hawlay soo saarista diraasadaas.
“Abwaan Cali-deeq Maxamed Xaashi waa nin hibooyin badan leh, horey waxa uu ahaa suugaanyahan iyo saxafi, haatana waxa uu ku darsadey cilmi baaris, haddaan nahay Aga waxa uu abwaanku innaga mudan yahay soo dhaweyn, tixgalin iyo amaan ku adaan diraasadda uu nala wadaagayo” ayuu yiri Dr. Afrax oo caddeeyay Madasha Aga inay tahay madal aqooneed loogu tal- galay in cilmiga lagu kala faa’iideysto.
Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa mar uu si gaar ah ula hadlayay fanaaniinta waa-weyn ee Salaad Maxamed Shardi (Salaad Darbi) iyo Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma) oo ka mid ahaa ka qeyb galayaashii soo sharfay munaasabaddaas ayaa hoosta ka xariiqay inuu si diirran u soo dhaweynayo imaanshaha fanaaniintaasi ee dalka hooyo, waxaana uu carrabka ku dhuftay inay Akadeemiyadu u hawl-galayso sidii ay u wada jaan-qaadi lahaayeen Aga & fanaaniintaasi Qaran, isagoo ku cel-celiyay inay Akadeemiyadu tahay buundo isku xeraysa facii hore iyo kan cusub ee haatan soo korayo.
Abwaanka Cali-deeq Maxamed Xaashi oo ah abwaanka soo bandhigay diraasada ku saabsan Curiyeyaasha Far-Soomaalida oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in cilmi baaristaan uu waday in muddo ah, waxaana uu hoosta ka xariiqay diraasdaan inay ka hadlayso arimo badan oo ku aadan curiyaasha far-Soomaalida, isagoo dhanka kale u mahad celiyay Guddoomiyaha Aga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo uu ku tilmaamay inuu yahay dhiiri-galiye, abbabiye iyo halyey u taagan daryeelka iyo hiilka afka hooyo.
Fanaaniinta kala ah Salaad Maxamed Shardi iyo Faadumo Cali Nakruumo, Farxaan Xiddig, qoraaga buugga Af-dhaab Cusmaan Cabdi-nuur Xaashi, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Md, Xersi Dhuux Maxamed iyo xubno kale oo isugu jiray aqoonyahano, fanaaniin, saxafiyiin iyo dhallinyarada danaysa akhriska iyo qoraalka oo munaasabaddaas ka soo qeyb galay ayaa soo dhaweeyay diraasadda uu abwaanka soo bandhigay, iyaga oo halkaasi su’aalo iyo tallooyin kula wadaagay abwaanka diraasadaas soo sameeyay.
Diraasadda maanta la soo bandhigay oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa si faah-faahsan waxa ay uga hadlaysay halgankii loo soo galay curinta farta Soomaalida, Dadkii juhdiga galiyay soo saarista fartaasi iyo sida loogu baahan yahay in tixgalin gaar ah loo siiyo curiyaashaasi far-Soomaalida.