MIDKII MAQLAY WUUBA MAQLAYE, MIDKAAN MAQALNA MAANTABA GAARSIIYA, MAANA-FAAY WAA LA HAYAA, MINANKEENNII HOOYO IYO MEEL WALBAA LA GEEYAY.
Haddaad murugteenoo, muraadkiinnu ahaa maalmahaan lama haayo sheekadii maanka korin jirtay, macnaha lahayd, majaladaha lagu qori jiray, nin macruuf ahna uu qoray Maxamed Daahir Afrax, magaceedana loogu wanqalay Maana-Faay, maantaa la haayaa magaalkayba taallaaye, mudanoow hadaadan ogaynna maanta iga qaadoo ma-huraan asxaabtaadana u sheeg Maana-Faay.
Sheekada Maana-Faay, waa sheeko loo samaeeyay hab farshaxannimo ay ku dheehan tahay, xikmad iyo caqlina uu ka buuxo, murti iyo maadna ay ku laran tahay, tusaale iyo tusmana u ah bulshada Soomaaliyeed.
Sheekada Maana-Faay, waxay ahayd sheeko qof waliba gurigiisa ugu tagtay kan wax akhrin karaana uu wargaysyada kala socday, kan aan wax akhrin karinna uu warbaahinta kaga bogan jiray, waa sheeko caan baxday oo qof walbaa oo Soomaali ahna si gaar ah u saamaysay .
Maana Faay, macnaheedaa la ballaariyay, murtideedana waa la kordhiyay, muggeedana waa la dhammaystiray, Sheekada Maana Faay oo si aad ah loo soo habeeyay wax badanna laga soo badalay cilmi iyo caqli badanmna lagu soo daray ayaa maanta Yurub ka soo if-baxday.
Waa Maana-Faay ka duwan tii hore xagga qurxinta iyo hab qoraalka, waxaana laga soo dhigay mid la jaan-qaadaysa qoraallada buuggaagta loo qoro ee ku salaysan habka casriga ah.
Dadka wax akhriyaa, waxaa ay ku tilmaameen sheekada Maana- Faay in ay tahay sheeko dareen taabad ah, runna ka tarjumaysa, habka qorista sheekada lala marayna waa hannaanka qoraal curinta Toolmoon .
Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ah hiilka maanta kaliya uu Afka Hooyo haysto ayaa sheekada ku fara-yaraystay, dadka oo jecel farshaxannimada Qoraalka Prof. Afrax iyo sumacadda uu bulshada dhexdeeda ku leeyahay awgeed ayaa si deg-deg ah u keentay inay boqolaal Soomaali ah si kalgacal leh u soo dhaweeyaan daabacaadda cusub ee Maana faay.
Maanta waa ay soo baxday Maana-Faay, qof waliba waxaa uu ka baqayaa in ay gacantiisa soo gali waydo oo ay ka dhamaataa waana sababta ay dad badan su’ aalo uga keenayaan bulshada maku filnaan doontaa ?
Way curatay Maana Faay Bandhigaydeeda maal-mahaan Yurub ayay kasoo muuqataa, waa halkii ay Maanta ku dhalatay Maana Faay .
Mudanoow ha sugi waayin, mar dhowna sida roobka ayay dhulkeenna hooyo uga bilaaban doonaan bandhigyada Maana Faay.
MIDKII MAQLAY WUUBA MAQLAYE, MIDKAAN MAQALNA MAANTABA GAARSIIYA, MAANA FAAY WAA LA HAYAA, MINANKEENNII HOOYO IYO MEEL WALBAA LA GEEYAY.