Akhris-jeceleey bishaaro:

Maana-faay Cusub oo Yurub ka soo if-baxday!

Dadka jecel aqoon-kororsiga iyo akhriska buugaagta qiimaha badan waxaa loogu bishaaraynayaa in ay dib u dhalatay sheeko Af-Soomaali ku qoran tii ugu caansanayd ee loogu jeclaa, #MAANA-FAAY ee uu curiyey Qoraa sare, Prof. Maxamed Daahir Afrax!

Ka dib markii sannado badan la baafinayey ayaa lagu guulaystey in dib loo soo saaro daabacaad cusub Maana-faay oo dib u xuub-siibatey. Waa daabacaad lagu sameeyey sii tifaftirid iyo sii qurxin badan oo sii kordhinaysa xiisihii horeba dadku uga daba dhaceen. Waa daabacaad ka duwan, ka saxsan, kana xiisa badan nuqullada Maana-faay-ku-sheegga ay dad kala duwan si aan sharci ahayn ugu faafiyeen PDF iyo baraha bulshada, ka dib markay baahidii badatay, suuqa sharciga ahna laga waayey.

Sababaha loo jeclaystay Maana-faay waxaa ka mid ah sawirka runta ah ee ay ka bixinayso bulshada Soomaaliyeed goor kasta iyo goob kasta, qaab-dhismeedka ka duwan habka sheeko-qorista Soomaalida badankeed, iyo adeegsiga hal-abuurnimo ee farsamo-faneedyada casriga ah ee sheeko-curinta caalamka hore u maray.

Waxay dibadda soo dhigaysaa dareenka dahsoon ee qofka aadamiga ah iyo baya’adda uu ku noolyahay ama ku suganyahay. Waxay farshaxan la yaab leh ku kashifaysaa, kana digaysaa hab-dhaqannada foosha xun iyo cudur-bulsheedyada dilaaga ah ee ku dhex faafaya bulshadeena dhawaan magaalowday, kuwaas oo haddaan kaga hortagin badaya burbur an laga soo kaban akrin.

Maana-fay-daas cusub waxaa si qurux badan loogu daabacay dalka Ingiriiska waxaana soo saartay shirkadda buug-faafinta ee Looh Press. Waxaa lagu daah-furi doonaa goobo kala duwan dibadda iyo gudahaba. Ugu horraynta waxaa nasiib u yeeshay dadka deggen UK, siiba Magaalada Bristol, Dalka Ingiriiska). Taariikhda halkaas lagu soo bandhigi doono waa 23ka Maarso 2019. Waxaa soo bandhigaya urur-dhaqameedka HADHSO.

Faahfaahinta kala xiriir Liibaan Axmed (adhagaxtuur@hotmail.com) ama Prof Cab/dir Ruumi (ruumi65@hotmail.co.uk). Waxaa ku xigi doonta magaalada Gothenburg, dalka Sweden, oo ay ururrada aqoon-faafintu ku soo bandhigi doonaan 30 Maarso 2019. Waxaa ku sii xigi doona dalalka Norway, Holland iyo dalal kale, ka dibna waxaa la keeni doonaa dalka hooyo (IA).

Meel kastoo aad dunida ka joogto waxaad xog-dheeraad ah iyo sida loo heli karo kala xiriiri kartaa Mohamed Artan  (Looh Press), Cabdullaahi Axmed Shiiqaalow (shiiqaaloow114@hotmail.com), Saynab Xaaji (ugbaad5@gmail.com) ama Cabdinaasir Yuusuf Macallin (cnaasir114@hotmail.com).

F.G:- Waxaa la daabacay tiro kooban; waxaa ka gaari kara oo keliya qofkii nasiib leh!