Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay, looguna tala galay Xuska maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo, ayna si ballaaran u soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA) oo kaashanaysa Somali Pen iyo Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa shalay oo ku beegneyd (20/2/2020) waxaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii xafladaasi oo si mug iyo miisaan leh loo soo qaban-qaabiyay ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Xildhibaanno, Senatorro, Madax ka socotay Maamulka G/Banaadir, hogaanka Golaha Murtida iyo Wacyi-galinta {National Theatre}, Masuulyiin ka tirsan Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga (AGA), Guddoonka Golaha Abwaannnada, Wakiilo matalayay bahda Waxbarashada, Madaxda iyo xubnaha Naadiyada Akhriska iyo Qoraalka, Khabiirro iyo Ruug-caddayaal Saxaafaddeed, Fannaaniin iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Guddoomiye Ku-xigeenka Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo si rasmi ah u furtay munaasabaddaas ayaa sheegtay xuska maalinta afka hooyo inuu ka mid yahay xusaska caalamiga ah ee adduunka si ballaaran looga xuso, waxaana ay tilmaamtay sannadkaan inuu ku soo beegmay 21- guuradii ka soo wareegtay markii ay Qaramada Midoobay u aqoonsatey 21 Febraayo inay noqoto maalinta afka hooyo, iyada oo hoosta ka xariiqday in muwaadin walba looga abaahan yahay inuu Hiil u noqdo afkiisa hooyo.

“Xafladda ballaaran ee aan maanta ku qabanayno Muqdisho waxay qeyb ka tahay xafladdo waa-weyn oo ay laamaha Akadeemiyada ku kala qabanayaan daafaha dunida, Muqdisho ka sakow waxay Akadeemiyadu xusas kan la mid ah ku kala dhigaysaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya, sida Kismaanyo, Baydhabo, Garoowe, Hargaysa iyo Gaalkacyo, sidoo kale xuskan waxa uu ka dhacayaa magaalooyinka Geeska Afrika oo ay ka midka yihiin Jabuuti, Jigjiga iyo Nairobi, dhinaca wadamada caalamkana waxa uu ka dhici doonaa Maraykanka, Ingiriiska, Holland, Finland, Sweden, Narway iyo goobaha kale oo ay Soomaalida qurbuhu ku dhaqan yihiin” ayay yiri tiri Xildhibaan Maryan Cariif oo ku baaqday in laga wada qeyb-qaato hiilka afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Guddiiga Warfaafinta, Dhaqanka iyo Isgaarsinta Baarlmaaanka Soomaaliya Xildhibaan Khaalid Macow C/qaadir, Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyi galinta (National Theatre) C/qaadir Cabdi Shube, Guddoomiyaha Haweenka G/banaadir Jawaahir Baarqab, Guddoomiyaha Golaha Abwaannada Xirsi Dhuux Maxamed, Khabiir Sare Maxamed Maxamuud Cadde oo ahaa soo saarihii barnaamijyada BBC-da iyo Guddoomiyaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Banaadir Khaddar Cabdi C/llaahi, kuwaasi oo soo dhaweeyay xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, iyaga oo si kala gooni-goni ah uga hadlay qiimaha iyo hodontinimada afka Soomaaliga.

Masuuliyiintaasi ayaa qirey in afka Soomaaliga uu u baahan yahay Hiil ummaddeed, waxayna ku nuux-nuuxsadeen inay ka go’an tahay sidii ay horseed uga noqon lahaayeen daryeelka afkeena hooyo, iyaga oo dhanka kale cod dheer ku sheegay inay waajib tahay sidii loo hawl gali lahaa dhismihii xarunta Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ee Muqdisho, taasi oo ay dhagax dhigeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo munaasbaddaasi soo gunaanaday ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida quruxda badan ee loo soo agaasimay xuska maalinta Afka hooyo, waxaana uu iftiimiyay in afkeena hooyo uu ka mid yahay astaamaha lagu garto ummadda Soomaaliyeed, isaga oo caddeeyay in afka Soomaliga uu yahay af qani ah oo ka gudbay xudduudaha.

Md, Cabdi Xaashi C/llaahi oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah ugu mahad-celiyay Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaalig oo uu tilmaamay inay tahay madal aqooneed xil gaar ah iska saartey daryeelka iyo hiilka afka Soomaaliga, isaga oo balanqaaday madaxda sare ee Dawladda Federaalka in uu la wadaagi doono sidii Akadeemiyada AGA loogu dhisi lahaa dhulkii  ay dhagax dhigeen Madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynhii hore ee Soomaaliya.

Munasabaddaasi oo aad loo jecleystay ayaa kooxda fannnaaniinta Hido iyo abwaannada Golaha Abwaanadda Soomalaiyeed waxay ku soo bandhiggeen suugaan isugu jirtey heeso iyo gabayo ka tarjumayay muhiimada uu leeyahay afka Soomaaliga.

Sannad walba marka la gaaro 21 Febraayo ayaa dunida oo idil waxaa laga xusaa maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, Sannadkii 1999 ayay Qaramada Midoobay u caleema-saartay maalintaas inay noqoto maalin si qaas ah loo xuso afka hooyo.